Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan

1
Sunday August 16, 2015 - 00:00:00 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 2083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan

    Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan Waxaan ugu horeeyn qormadaan ku bilaabayaa Ku Tasho Madaxweeyne Xassan oo aan ulla jeeddo wax qabadkii Madaxweeyne Xassan oo aanan la dafirikarin,waxaan ugu horeeysiinayaa xiligii M.Xassan xilka uu qabtay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan Waxaan ugu horeeyn qormadaan ku bilaabayaa Ku Tasho Madaxweeyne Xassan oo aan ulla jeeddo wax qabadkii Madaxweeyne Xassan oo aanan la dafirikarin,waxaan ugu horeeysiinayaa xiligii M.Xassan xilka uu qabtay waxuu qaaday talaabo aanan marnaba la iloobi karin taas oo ah.
1.Madaxweeyne Xassan waxuu caasimada Muqdisho ka dulqaaday heryadii Isbaarada ama leejada taas oo lagu qiyaasay in ka badan boqol,Muqdisho horumarka ka jira hada kama jiri laheeyn haddii aanan laga qaadin Isbaarada, Muqdisho waxeey noqotay magaalo isku furan oo hal maamul leh anaga oo og in xiliyadii ku meelgaarka madaxda dalka soo maray iyo maamulka G.Banaadir uusan awood u laheeynjirin in Muqdsiho yeelatana hal maamul iyda oo ka xor ah Isbaaro.dib u fiiri xiligii C/qaasim,C/aahi Yusuf iyo xiligii Sheekh Shariif.

2.Madaxweeyne Xassan waxaa uu ku guuleeystay la dagaalanka masuq-maasuqa asaga oo diiday lacagahii xawliga ku socday diidayne xawaaraha wareega lacagta iyo korarka lacagaha sida sahalka loo helijiray , waxaa uu la dagaalamay inflation waxa loo yaqaan ,haddii aad dib u fiiriso wareega lacagta dadka haysta xiligii Madaxweeyne Sheekh Shariif iyo maanta waxaan xaqiiq ah in helida lacagta xiligaan aay aad u adag tahay sida aay u fududeed xiligii Sheekh Shariif sabbabta oo ah Muqdisho waxaa ka hawlgelayay 100 Isbaaro daqliga boqolka Isbaaro waxaa uu ahaa mid kardhiya wareega lacagta maanta waxaa kala goaý wareega lacagtii sharcidarada aheed.

3. Madaxweeyne Xassan xiligii uu imaanayay dalka waxaa ka jiray dowlad dhexe oo ku meelgaar ah iyo Puntland oo marwalba magan u noqotay Somali oo dhan,maanta waxaa jira dowlad goboleeydyo la mid ah tan Puntland si kastaba ha ku yimaadeene sow Madaxweeyne Xassan ma noqon sidii Madaxweeyne Siyaad Bare oo loo baxshay Jileec & Jareer simoow jaale Siyaad,Puntland iyo Somali simoow Jaale Xassan.waxaa uu Madaxweeyne Xassan diiday in Puntland oo kaliya aanan Somali wax laga weeydiin balse uu abuuray dowlado la mid ah tan Puntland xaqna aay tahay in Somali wax laga weeydiiyo.

Qormada danbe ayaan ku soo bandhigi doonaa Ka Tasho Madaxweeyne Xassan ?

1

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip