Dulmi Xamar ku simanaa jiree Xassan halloo sheego ?

1
Thursday September 04, 2014 - 22:26:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmi Xamar ku simanaa jiree Xassan halloo sheego ?

    Waxaan jeclahay in aan xusuusiyo inta raadraaca taariikhda Cabdulle Raage wax ka taqaan gabaygii uu ugu magacdaray Duqa halloo sheego oo runtii ahaa gabay uu Siyaad Bare ugu sheegaayay cadaala-darada dadka uu ku hogaamiyo iyo dareenka umada Somali si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan jeclahay in aan xusuusiyo inta raadraaca taariikhda Cabdulle Raage wax ka taqaan gabaygii uu ugu magacdaray Duqa halloo sheego oo runtii ahaa gabay uu Siyaad Bare ugu sheegaayay cadaala-darada dadka uu ku hogaamiyo iyo dareenka umada Somali sida aay u arkaan xukunka militeriga,haddii aan ka xuso gabayga Duqa halloo sheego tixihii ku jiray oo aay inta damiirka lahi weli dareemayaan in siyaasada Somalia kuwa hogaamiyaa aayan ku waano qaadan gabaygaa welina aayan laheeyn aragti dheer iyo in aay fahmaan xaqa dulmigana diidaan,waxaa ka mid ahaa gabaygaa : * Dalka woow dhashayee kama imaan dalag iyo mee dheere ,dab hadey liqdee holac rintee dhuxulo daaceeyso kuwi isugu danbeeyaa nahee duqa halloo sheego.Xassan sheekh waxaa quman in uu ogaado in Xamar dadka degani aay dalka wax ku leyahay,waxaa quman in aad u aragto reer Muqdisho in aay yihiin Somali jecel dalka,diidnta iyo dadka Somali xaqna aay tahay in aay dowlada dhexe ka helaan waxii aay xaqa ugu lahaayeen,kuwi isugu danbeeyaa nahee Xassan halloo sheego.

* Duulaankii innan ugu hormaray daafici Amxaarka ( 1977 ) darajana aan ka qadsanahay duqa hallooo sheego.Raga dagaalka kula jira Al shabab ee ka dagaalamaaya gobolada dalka sida sh/dhexe sh/hoose Muqdisho waxa dhimanaya waxaa ugu badan reer Muqdisho,waxaad moodaa haddii dalka nabada aay ku soo noqoto xitaa in aaneey heleen abaal-gud iyo in la xurmeeyo balse waxaa aay noqonaayaan kuwa sidii xaabadii karinta dowladnimada marka aay bislaatana dhadhanka dowladnimo ma xusi-doonaan kuwa calafka u helay ee cunaya dowladnimada . waa waxii uu sheegay Cabdulle Raage 50 sanno ka hor.

* Danwadaagti inaynaan ku jirin lagu dul noolaado,Aannan gooni roob noogu dain duqa halloo sheego.waxaad moodaa in Xamar iyo Xamar-daye aanan marna loo ogoleen deeqaha caalamka keeno dhulka aay degan yihiin,dib u fiiri sh/dhexe,dhawaan ayeey aheeyd markii Warsheekh macluusha looga dhimanaayay iyada oo la ogyahay in laga xoreeyay al shabab sanadkii hore balse aanan weli la geeyn hal kiilo oo raashib ah,maxeey ku qabatay dowlada uu madaxweeyaha ka yahay Xassan Sheekh deegaamada Xamar iyo Xamar-daye waa waxii uu sheegay Cabdulle Raage 50 sanno ka hor.

* Daantaa galbeed iibku waa qof iyo dooqiisa,duli Xamar ku sinanaa jiree duqa halloo sheego. Waxii aanan Xamr iyo Xamar-daye aheeyn

canshuurta lagama qaadodalka sow xaq kuma laha Xamar iyo Xamar-daye dadka ku abtirsada ?? Puntland & Jubbaland ilaa iyo G.dhexe Somaliland canshuurtooda ayaga sooma dhaafto halka Xamar iyo Xamar-daye canshuurta laga qaado dowlada Xassan aay ka qaadato 85 %ma xaqbaa ????

* Duqowdiyo waxgaradkii xikmada dowlada u haayay iyadoo dembiyo laga galee diidan tilmaameeyso,dacawad dheer in eey soo qoreen duqa halloo sheego.Muddulodka xiligaani waa ka dacawad Xassan Sheekh sabbabta oo ah waxuu duudsiyay xaqii ilaah ka siiyay dowladnimada waxaad moodaa in uu si dadban u baabinnaayo reerka,waxuu bixiyay sh/hoose waxaa weli laga sugaayaa in dhulka Muddulood laga xoreeyo Al shabab maxaa diiday ?? waatan ilaa iyo Kismaayo aay dowlada u raran tahaye waxaa foolxumaa in G.Banaadir dowlada dhexe waxii canshuur ahaa aay iyada qaadato 15 % aay dib ugu celiso gobolki sow maaha dulmi Xamar ku simanaa jree Xassan haloo sheego Alow Sahal Umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip