Xamar Cade iyo sida maanta looga ciiday (Daawo Sawiro)

0
Friday July 17, 2015 - 21:54:41 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamar Cade iyo sida maanta looga ciiday (Daawo Sawiro)

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaley salaadda Ciidul Fidriga oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaley salaadda Ciidul Fidriga oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo dhanka kalena ku booriyay in la adkeeyo midnimada iyo is jaceylka bulshada dhexdeeda.

"Muhimadda koowaad ee shacabka iyo dalka waa amni, si aan amni buuxda u helno waxaa khasab ah inaan si wadajir ah dhibaatadaasi u wajahno. Ilaahay wuxuu inoo fidinayaa naxariis iyo kheyr haddii aan isku duubnaano, oo aan mid noqono. Aan ilaahay dartii isku cafino, ugana shaqeyno midnimada dadkeena.Waxaa kale oo muhiim ah inaan sharciga ilaalino, dowladnimadana taageerno si waddankeena uu horumar u gaaro, dibna aan usoo ceshano maqaamkii sharafka lahaa ee aan caalamka ku lahayn,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda jooga inay waddanka maalgashadaan, si dalka u gaaro dib u so kabasho dhaqaale, shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maliishiyada kooxda Al Shabaab ugu baaqey inay ka faa’ideystaan fursadda weli furan ee cafiska dowladda, si ay shacabkooda dib ugu soo biiraan.

Salaadda Ciidul Fidriga ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasi kadib Madaxweynaha waxaa uu gurigiisa xaflad kooban ugu qabtey mas’uuliyiinta dowladda iyo labada gole.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip