Siyaaradi Sheekh Aweysu Taani oo lagu soo qatimay Xamar Jajab (Sawiro).

0
Tuesday December 22, 2015 - 00:32:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh Aweysu Taani oo lagu soo qatimay Xamar Jajab (Sawiro).

    Siyaaradi qudubki afaraad re dariiqada Qaadariya ee Soomaaliya Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin Sheekh Aweys dheere ayaa lagu soo gunaanaday xarunta reer sheekh aweys ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradi qudubki afaraad re dariiqada Qaadariya ee Soomaaliya Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin Sheekh Aweys dheere ayaa lagu soo gunaanaday xarunta reer sheekh aweys ee magaalada Muqdisho.

Siyaarada qudubka oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabto xarunta sheekha ee Muqdisho ayaa waxa ugu horeyn laga aqriyay qadmooyinka qur’aanka kariimka iyo tawasulaad aad umacaan badan oo lagu xasuusanaayo inta uu uhoreeyo rasuulkeeni Maxamed (NNKH) iyo dhamaan ahlu beytka , asxaabta iyo dhamaan mashaa’iqda nasoo gaarsiisay diinteena islaamka, waana tartiib caado iyo dhaqan u ah culuma’udiinka ahlusunah waljamaac.

Hogaamiyayaasha dariiqooyinka ayaa si weyn usoo camiray iyadoo sidoo kale maanta la fasaxay dhamaan xirta ku tixan masjidyada, mowlacyada iyo dhamaan goobaha kale ee ka socdeen duruursta islaamiga ah, oo iyadana ah tartiib kale oo caan ee ku yihiin hanaanka wax faafineed ee culuma’udiinka ahlusunah waljamaac.

Qudubka dariiqada Qaariyada asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys sheekh Muxyadiin sheekh aweys ayaa mid mid usoo gunanaanaday xilqooyinka dikriga ee sida gaar gaarka ah loo kala oogay iyadoo ugu dambeentina qudubka ayaa bixiyay ijaasada dariiqada Qaadiriya oo inti nasiibka uheshay maanta ee ka qaateen Sheekha.

Qaar kamid ah dadki maanta kasoo qeybgalay siyaarada sheekha oo la hadlay shabakada Warsheekh ayaa si farxad kujirto waxey usheegeen iney dareemayaan farxad iyo qanacaad ee ka helaaan kulamada nuucaan oo kale, waxeyna sidoo kale tilmaameen iney xasuusanayaan sida beri wadanka amaankiisa u ahaay iyo soo camirida siyaarooyinka culuma’udiinka Soomaaliyeed.

Jawiga madashada Siyaarada oo ahaa mid aan qormo kaliya lagu soo koobi karin, hasa yeeshe howlwadeenada shabakada oo farxadi siyaarada maanta la qeybsanayaan aqristayaashooda waxey isha baarkeeda idin soo dhigi doonaan muuqaalo iyo qoraalo ka tarjumaayo kulamada diiniga ah oo magaalada muqdisho si weyn kor loogu qaadayo iyadoo dadkuna ee kasoo bogsoodeen hanjabaadi iyo caga jugleenti looga fasaadinaayay caqiiqadooda.

W/D: Xafiiska shabakada Warsheekh ee Muqdisho.
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip