Yaad ku haleeyneysaa Dhismaha wadada iskuxirta Xamar iyo Hobyo?

0
Saturday February 20, 2016 - 00:34:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaad ku haleeyneysaa Dhismaha wadada iskuxirta Xamar iyo Hobyo?

    Waxaa jiro dadaal muddo dheer soo socday oo lagu doonayo in lagu dhiso wadada isku xirto Muqdisho iyo Hobyo si dadka kunool Gobolada Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug u helaan waddo ey isaga gudbaan, adeega ay ubaahan yihiine uu ugaaro, waxaa yadadiilo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jiro dadaal muddo dheer soo socday oo lagu doonayo in lagu dhiso wadada isku xirto Muqdisho iyo Hobyo si dadka kunool Gobolada Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug u helaan waddo ey isaga gudbaan, adeega ay ubaahan yihiine uu ugaaro, waxaa yadadiilo leh in injineeradii howshaan soo waday mudo sanad ah ku guuleesteen iyaga iyo nabadoonada deeganka ey dhagax-dhigaan wadada isku xirto Banaadir iyo Hobyo
Dhab ahaantii waxaa murugo xanuun badan ah adigoo waayeel ah ku xanuunsanayo meel u jirto Caasimada Soomaaliya in kayar 100km inaad awoodi weyso xilligii aad daawada iyo in lagula tacaalo ubaahneed kusoo gaari weyso isbitaalada Magaaladda Muqdisho, Hooyada iyada dhiig-baxa udhimato iyadoo adeegii caafimaad ey ubaahneed soo gaari weyday waqtigii loo baahnaa lkn maxaa u sabab ah in deegaanada loo rabo in ey wadadaani marto lahaan waayaan adeeg caafimaad iyo wax walbo ey ubaahanyihiin isla markaana ku qasbayo in waxwalbo Xamar usoo raadsadaan?

Deegaano aan laheen waddo loo maro wey adagtahay sida looga fuliyo mashaariic horumarineed sida Isbitaalo iyo Iskuulo, haddii ey jiraan kuwo kooban oo degmooyinka qaar kuyaal xataa waxaa adag adeeg caafimaad oo tayo leh iyo qalab wax barasho oo horeeyo inuu gaaro, indhaha beesha caalamka, hay,adaha deeqaha bixiya, dowlada federalka iyo heer maamul gobol ma arki karaan waxa ka jiro tuulooyin iyo degmooyin waddo tagto aan jirin, waxaan xasuustaa 10-10-2014 mar uu wadaxweynaha Jamhuuriyada federalka Xasan sheekh Maxamuud booqasho ku tagay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe dadka waxeey ka codsadeen oo kaliya waddo asigana wuu u marqaati furay in baahidaas jirto oohelicopter ayuu ku tagay

Deegaanadaani waa kuwa ugu hodansan Soomaaliya waxeey leeyihiin dhul beereed iyo xoolo lkn nasiib darro dalagooda iyo xoolahooda wey adagtahay in ey caasimada ama gobolo kale u suuq geeyaan Waddo la,aan aawadeed, ruuxa muqdisho joogo ee rabo inuu u safro degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud waxaa ayaan darro ah kan muqdisho joogo oo Garoowe u safrayo inuu safarkiisa sahlanaado!

Haddaba howshaani yeey utaal oo laga sugayaa in wadadaan dhisaan?

Wadadaani maaha mid looga fadhiyo in dowlada federalka ah ama cid kale oo kasii shisheeyso ey dhisto cida laga sugayaa waa adiga (dadka u dhashay deegaanka wadada la rabo in la marsiiyo) qof waliba oo deegaanka udhashay waxaa looga fadhiyaa inuu kaalintiisa ka qaato dhismaha wadada isku xirto Muqdisho iyo Hobyo, aamusnaantu waa qeyb kamida caajiska iyo karti darrada ee qeybtaada ka qaado ololaha lagu dhisayo wadadaada si Abootadaa, Abkoowgaa, Eedadaa safarka ugu sahlanaado

Haddii aan ku guuleysano dhismaha waddadaan maxaa isbadalayo?

Waxaa sahlanaaneyso inaaad Xamar ka quraacato Hobyana aad ka qadeyso galabtina Xamar kusoo laabato, waxaa si xowli ah u bilaabanayo mashaariic horumarineed Iskuulo waxbarasho, Jaamacado, Isbitaalo iyo adeeg walbo oo bulshada ah in deegaanka la geeyo, in dadku ku dhiiradaan isla markaana dardar-galiyaan tacbashada beeraha dalagoodana goobaha looga baahanyahay si fudud ku geestaan, waxaa abuurmayo degmooyin cusub kuwii horana way dhismayaan Dadku waxeey ku dhiiranayaan in deegaanadaan maalgaashtaan haba ugu horeeyaan kuwa udhaashay.

Ganacsatada tunka weyn ee Muqdisho joogta, qurbo joogta North America, Europe, Middle East, and South/East Africa ee dhulka udhashay waxaa looga baahanyahay in doorkooda uga aadan bixin qarashaad kaliya eyna qaadane ololaha dhismada wadada iyo qaylo dhaantiisa meelkasto gaarsiiyaan qof walibana door shaqsiyadeed iyo mid guudba ka qaataa howshaan waana in qof waliba aaminaa in wadadaan ey asiga sugayso dhismaheeda xil gaar ahna iska saara Mahadsanidiin

Qore: Mahmud Buteeri

buteeri@facebook.com

Bristol,UK


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip