Maxaa kala socotaa halka uu maraayo Dhismaha Isbitaalka Degmada Warsheekh? + Sawiro

0
Saturday October 01, 2016 - 13:33:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala socotaa halka uu maraayo Dhismaha Isbitaalka Degmada Warsheekh? + Sawiro

    Wafdi balaaran uu horkacayo gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Shiidka ayaa booqday halka uu ka socdo dhismaha isbitaal cusub oo yeelan doonta Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi balaaran uu horkacayo gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Shiidka ayaa booqday halka uu ka socdo dhismaha isbitaal cusub oo yeelan doonta Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada dhexe.
Howsha dhismaha isbitaalka degmada Warsheekh oo mareyso meel xasaasi ah ayaa waxa uu gudoomiyaha degmada Warsheekh markale fariin udiray dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogata kasoo jeeda degmada Warsheekh iney usoo gurmadaan taaba galinta howlaha dhismaha ee isbitaalka.

”Waxa ugu baaqeynaa umada Soomaaliyeed intooda wanaaga iyo kheyrka jecel iney kaalin ka geestaan dhismaha isbitaalka degmada Warsheekh oo runtii ee ka faa’iidi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed oo qaba baahi caafimaad ”, ayuu yiri, ”Mudane Shiidka” oo qadka telfoonka kula hadlayay Shabakada Warsheekh.

Howlaha dhismaha isbitaalka Degmada Warsheekh ayaa waxa kaalin mug leh ka geesanayo qurba jooga Reer Warsheekh gaar ahaan Jaaliyadaha kunool Sweden iyo Italy oo iyaga ah udub dhaxaadka taaba gelinta dhismaha isbitaalka iyagoo waxgaradka kunool wadamadaasi ee kulamo joogta ah ka yeeshaan sida uu ufuli lahaa mashruuca Isbitaalka.

Daaciga weyn ee Soomaaliyeed Asayid Sheekh Cabdiraxman Sheekh Muxyadiin Celli oo kamid ah waxgaradka sida gaarka ah ugu istaagay taaba gelinta isbitaalka Degmada Warsheekh ayaa waxa uu fariin bulsho udiray dhamaan inta jecel kheyrka iney ka qeyb qaataan howsha dhismaha Isbitaalka degmada Warsheekh.

Dhanka kale waxa marba marka kasii dambeeso cirka isku sii shareerayay horumarka baaxada leh ee kasocda degmada Warsheekh iyadoo tan iyo marki lasoo magacaabay maamulka uu daadihiyo mudane Shiidka ee ku guuleestaan adeegyo badan oo dhanka bulshada kuwaasi oo dib boorka jafay degmadi xadaarada, ganacsiga iyo diinkaba caanka ku aheed balse mudo badan umuuqatay mid la iloobay.

Xarunta degmada Warsheekh oo hore looga fuliyay adeegyo kaabaya baahida dadka deegaanka ka heesatay dhanka ganacsiga, waxbarashada ayaa sidoo kale waxa dhawaan lagu wadaa in degmada hesho biyo nadiif ah oo dadka deegaanka si siman guryahooda ugu heli doonaan.

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Warsheekh ayaa idin balan qaadaya in isha baarkeeda ee idin soo dhigi doonaan hadba wixi kucusub xarunta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Xafiiska Shabakada Warsheekh, Gobolka Shabeelada Dhexe.
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Mob: +252615-849030


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip