Madaxweyne Xassan Sheekh oo markii ugu horeysay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar

0
Monday December 29, 2014 - 10:40:00 in Wararka by
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Sheekh oo markii ugu horeysay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira u yimid casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkan C/fitaax Siisii isagoo kulamo muhiim ah la qaadan doono inta uu ku suganyahay halkan madqaxda ugu sareysa dowladda Masar oo aan xiriir dhow oo wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira u yimid casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkan C/fitaax Siisii isagoo kulamo muhiim ah la qaadan doono inta uu ku suganyahay halkan madqaxda ugu sareysa dowladda Masar oo aan xiriir dhow oo walaalnimo leenahay.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo wafdigiisa ay ka mid yihiin siihaye yaasha wasaaradaha arrimaha dibedda,Maaliyadda,Tacliinta sare,Dastuurka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira kusoo dhaweeyay wasiirka tacliinta dalkan Masar.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira C/laahi Xassan Maxamuud oo la hadlay Tvga Qaranka ayaa sheegay in madaxweynuhu maalinta berito ah la kulmi doono xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabiil Al Carabi iyo xubno katirsan madaxda sare ee ururkaasi kuwaasoo uu madaxweynuhu kala hadli doono arrimo dhowr ah.

Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa intaa kadib la kulmaya madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Sii Sii oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii ay dowladda Masar u taageeri laheyd dowladda federaalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip