Dulmi Xamar ku simanaa jiree,Xassan haloo sheego !

0
Friday October 24, 2014 - 23:58:36 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmi Xamar ku simanaa jiree,Xassan haloo sheego !

    Colaad haka Coodin Caro abgaal oo cida ceeb ha u keenin, dib u fiiri Ciraaq Baqdaad haka yeelin bananaadir,Baasuuke iyo Baroon, Baaruda dhamaan uma baahna Banaadir,Caliyow Nina waa cartamaa,Nina waa col u joog , midna waa cadaawaha diinta oo Ilaah ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Colaad haka Coodin Caro abgaal oo cida ceeb ha u keenin, dib u fiiri Ciraaq Baqdaad haka yeelin bananaadir,Baasuuke iyo Baroon, Baaruda dhamaan uma baahna Banaadir,Caliyow Nina waa cartamaa,Nina waa col u joog , midna waa cadaawaha diinta oo Ilaah ma ciseeyo, Caasimada Ceeb ha u keenin, Ninka caloofigaa iyo Ninka ciida-galaa cadaaleey u ooman yihiin, Calaf waa la cunaaye ha xasuuqin cidaada cadaalada ha shaqeeyso, Ninka Ciseeya Ilaah oo Cadaalada diinta ka doona Rabigeey wuu risaqaa Rajo fiicanaa u danbeeysa Ilaahna raalibuu ka noqdaa kuwa harsada hooska Ilaah horseedbuu ka noqdaa, Cida Ceeb ha u keenin waa kuwa Ilaaha ciseeya oo afar faataxo caloosha ku qaata ee Caro Ilaah ka Fogow. ( Xiligii Geedi ahaa r/wasaare.)
Nin Mudulood ah oo xil qabtaa oo raad wanaagsan nooga tagay ma jiro Alow sahal umuuraha. ( Cali M.Geedi,Shariif & Xassan Qoslaaye )

Waxaan jeclahay in aan dooda la wadaago inta ka damqeeysa gardarada iyo xumaha Xamar lagu hayo ee beryahan la arkayay kanna soo baxaday G.Banaadir iyo sida looga hortagi karo,waxaan dhawaan qoray qormo dhaheeysa ” Dulli Xamar ku simaanaa jiree Xassan ha loo sheego ” Reer Muqdisho xaqooda xagee laga doonaa ?? ma Hargeeysa mise Boosaso. Cabdulle Raage waxuu dhahay :

” Dalka woow dhashayee kama imaan dalag iyo meel dheere ,dab hadey liqdee holac rintee dhuxulo daaceeyso kuwi isugu danbeeyaa nahee Xassan halloo sheego” koleey Madaxweeyne Xassan xilka waa ka dagayaa mar aay ahaataba balse waxaa foolxumaha ah in uu xilka ka dago asaga oo dulmiyay umada uu ka dhashay,noqdana danbiile taariikhda aay xusi doonto,xilka waxaa loo qabtaa ninka ragana oo uu u doonaa in uu xurmo ku gaaro,sharaf iyo cisina uu ka dhaxlo marka uu ka dago,raad reeb fiicana uu kaga tago umada Somali,xaqiiqdii sidaasi kuma socoto balse sida aay hada wax u socdaan waa dariiqii aay soo mareen ragii xoola doonka ahaa ,miyuuna ogeeyn in Siyaad Bare xilka laga eryay asaga oo la ogaa awooda uu lahaa,waxaa leeys lahaa waxaa laga gudbay xiligii Siyaad Bare ee kaligiis talinimada aheeyd ee Caaqil Faarax Golalleey ku qeexay murti lugu soo koobtay siyaasadiisa ” ama Afgooye aad ama Afweeyne raac ama Afkaaga hayso ” waa xiligii uu Siyaas Bare geeystay dulmigii ugu foosha xumaa abid, waa xiligii la laayay 10 kii culumo ee uu maalin cad dhiigooda ku dabaashay, runtii xiligaan ayaa ka xun kana dulmi badan marba haddii Qabiilada Somali midna la soo

dhaweeynaayo oo loo ogol yahay sadbuursi, midna leeyska riixaayo oo loo diidn yahay xaqii aay lahaayeen,maxaa sababbay in Majeerteen loo saxiixo Puntland halka G.Banaadir lagu cadaadinaayo in aayan doonan xaqooda ??,maxaa sabbabay in canshuurta laga qaado Puntland aay reer qataan tan Muqdishona lagu quudiyo xildhibaano goboladii aay ka yimaadeen uusan daqli canshuur ka soo gelin dowlada dhexe ? intaba waxaa sababbay Xassan Sheekh oo aan laheeyn goáan iyo aragti siyaasadeed oo fog balse waxaan arimhaas oo dhan loogu gudbi karaa.

Waagii hore umada waa eey is-haaysatay oo waxaa jiray heshiis bulshadeed (social contract) aragtiyada hishiiska bulshada waxaa fikirkeeda hormuud u ahaa oday dhaqameedka iyo culumada u dhalatay bulshadaa meesha kuwada nool, heshiiska waxaa saldhig u ahaa in la helo hogaan maamul oo u soo taagnaada in eeyan isku xadgudbin bulshada dhexdeeda ama xadgudub ka baxsan bulshadaa. Mar i dage Alle ha dago mar labaad i dagase anays dagay

Waxaa xusid mudan in aan wax ka sheegno hogaankii Muqdisho sida uu u lahaa sharaf iyo xushmada ( immunity and prevellege ) waxaa eey ahaayeen kuwo lagu soo dhaweeyo meelwalba,waxaa eey ahaayeen kuwa sida qidmada dowladnimo haya, wax ka qabta xaga difaaca, dhaqaalaha, siyaasada iwm,suaashu waxaa eey tahay xagee ayeey ka heleen sharaftaas iyo awoodaas ?

Immamki weli lama duubin ?? maxaa ragaadiyay ?? Ugaaski xaqa ahaa lama duubin maxaa ragaadiyay ?? ma jiro siyaasi ka damqaya Muqdisho dulmiga lagu hayo balse inta ugu badan waxeey u adeegaan gobolo kale miyaadan arag Cumar Finish oo la socday r/wasaare C/ weli heshiis-kusheegii Puntland & dowlada dhexe ,Muqdisho waxeey u baahan tahay 3 bilood dhexdeeda in lagu soo xulu gole degaan oo xalaal ah,degmo walbaa haddii laga keeno 5 Oday iyo 5 xildhibaan oo matalo degmaa loona sameeyo golo geedfadhi ( G.guurti waxaa leh reer guuraaga ) iyo golo baarlamaan arinka waa guuleeysan lahaa,golaha baarlanaaka ayaa soo dooranaya gudoomiyaha gobolka Banaadir halka Odayada aay noqon doonaan marjaca talada Muqdisho inta laga gaaraya doorasho guud. Nin waalan tolkii baa u miyir qaba,Xassan Sheekh in laga sugaa maaha,waxaa waajib ah in indheergaradka Muddulood gogol u fidiyaa dhamaan Hawiye ujeedkana uu noqdaa sidii loo wajihi lahaa maamulka G.Banaadir federaalkii waxuu noqday mid qabiil ah waa in umada leeysku raadiyaa.

Madaxweeyne Xassan waxaan dhihi lahaa ha sabbabin in aad umada Muqdisho u horseedo colaad cusub iyo in aad Muungaab ka qaado xilika sida hada

socoto,waxaa muhimada aay tahay in aad Muuungaab ama Hawiye ku qasabto in uu 3 bilood gudaheeda lagu sameyo maamul xalaal ah. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.

C/aahi Yusuf waxaa uu sagana taagnaa sidan ?

Boqoraan kaa dhigayaa ee Caliyow Cududaada i sii, Anigaa soo cajimaya kuwa Magacaada mar diida Mooryanta Muqdishood Maanyadaa ku daraa Maquuste waa magaceyga Meheri waa asalkeeyga Mudulo-odka meesha kasaar ee soo Mataanee Magaceena, Maslaxo meesha ha keenin Muruqaan meel noogu xareeysan maskax amxaaraan maanta wadaa ama Magacaagaceena midee ama muduloodka ku wareeg

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip