NIGERIA: Sawirrada Xubnaha Boko Haram ee loogu doonista badan yahay oo lasoo bandhigay -

0
Friday October 30, 2015 - 12:25:04 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NIGERIA: Sawirrada Xubnaha Boko Haram ee loogu doonista badan yahay oo lasoo bandhigay -

    Ciidamada millateriga dalka Nigeria ayaa shaaciyay sawirrada 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, kuwaasoo lagu sheegeen inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee kooxda ee loogu doonista badan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada millateriga dalka Nigeria ayaa shaaciyay sawirrada 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, kuwaasoo lagu sheegeen inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee kooxda ee loogu doonista badan yahay.
Taliska ciidamada Nigeria ayaa ku boorriyay shacabka in haddii ay arkaan qof ka mid ah boqolkan qof inay lasoo xiriiraan ciidamada, iyagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid qayb ka ah ugaarsiga ay ku hayaan xubnaha Boko Haram.

Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari oo xilka la wareegay bishii May ee sannadkan ayaa ciidamadii dalkiisa amar ku siiyay inay kooxda Boko Haram ku soo af-jaraan illaa bartamaha bisha November ee sannadkan.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano badan oo ay horay u haysatay, ayaa haddana waxay kordhiyeen weerarrada qaraxyada ah ee ay waddanka Nigeria ka geysanayaan tan iyo bishii May.

Kooxda Boko Haram ayaa howl-galladeeda ka billaabay deegaannada ku yaalla Waqooyi-bari dalka Nigeria sannadkii 2009-kii, balse waxay howlgalladooda ku baahiyeen dalalka ay dariska yihiin dalkaas ee Jaad, Cameroon iyo Niger.

Kooxdan ayaa waxay isbahaysi la tahay kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee ka dagaalanta waddamada Ciraaq iyo Suuriya, taasoo sheegtay inay u dagaalamayso si ay caalamka ugu soo celiso khilaafadii Islaamiga ahayd, ayna baahiso in diinta Islaamka la isku xukumo.

Sawirradan lasoo bandhigay ayaa waxaa laga soo qaatay muuqaalladii dacaayadaha ahaa ee ay horay u sii daysay kooxda, sida filimmadii iyo warbixinnadii ay Boko Haram kaga hadlaysay dagaallada ay ka waddo dalka Nigeria.

Hoggaamiyaha Boko Haram, Abuubakar Shekau ayaa ka mid ah xubnaha lasoo bandhigay sawirradooda, inkastoo warar laga soo xigtay madaxweynaha dalka Jaad, Idriss Deby bishii Ogoosto ee sannadkan lagu jiro lagu sheegay in Abubakar Shekau uu geeriyooday.

Ciidamada millateriga Nigeria ayaa sheegay inay sawirradan ku baahin doonaan waddanka oo dhan, si ay ugu suuro-gasho inay hoggaamiyaha Boko Haram gacanta kusoo dhigaan; kaasoo aanay sheegin halka uu ku sugan yahay.

Ugu dabmeyn, sawirradaan ayaa waxaa lagu qoray luuqadaha Ingiriiska, iyo weliba Hausa iyo Kanuri oo ah labada luuqadood ee sida aadka ah looga hadlo gobollada Waqooyi-bari ee dalka Nigeria, halkaasoo ah meelaha ay awoodda ku leedahay kooxda Boko Haram.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip