Gary Medel Oo Inter Milan Guul Dahabi Ah Ku Hogaamiyay

0
Sunday November 01, 2015 - 03:45:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gary Medel Oo Inter Milan Guul Dahabi Ah Ku Hogaamiyay

    Kooxda Inter Milan ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda AS Roma oo marti u ahayd waxayna kooxda Roberto Mancini guushan qaaliga ah ay ku gaadhay 1:0 waxaana goolkan kalya ee ayNerazzurri guusha ku gaadhay Inter udhaliyayGary Medel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Inter Milan ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda AS Roma oo marti u ahayd waxayna kooxda Roberto Mancini guushan qaaliga ah ay ku gaadhay 1:0 waxaana goolkan kalya ee ayNerazzurri guusha ku gaadhay Inter udhaliyayGary Medel


Kooxda Inter Milan ayaa soo garoonkeeda ku soo dhawaysay kooxda ay horyaalka Talyaaniga ku xifiltaan ee AS Roma oo kulankan iskeentay iyada oo hogaanka u haysay horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da. Kooxaha Inter Milan iyo AS Roma ayaa udagaalayay kooxdii hogaanka u qaban lahayd horyaalka Talyaaniga.

Inter Milan ayaan shantii kulan ee ugu danbeeyay aan wax guul ah soo gaadhin halka AS Roma ay dhamaan soo wada guulasyatay shantii kulan ee ugu danbeeyay.Inter Milan ayaa kulamadii ugu danbeeyay soo badhigtay qaab ciyaareed aad u liitay iyada oo waliba ku dhibtoonaysay in ay kubbada si fiican iskugu dhiibato taas oo Roma oo kubbad fiican ciyaarta fursad fiican u siinaysay .Adem Ljajic ayaa shaxda Inter Milan ku bilawday isaga oo ka horyimid kooxdiisii hore ee Roma.Daniele De Rossi ayaa kulankan dhaawac ku seegay.

AS Roma ayaa abuurtay fursado badan oo ay halis ahaa basle goolhaye Handanovic ayaa Roma uga dhaartay in ay qaybta hore ee ciyaarta ay wax gool ah la yimaadaan. Kadib markii ay Roma fursado badan isla lumimay ayay kooxda martida loo ahaa ee Inter Milan heshay fursada ay goolka kula timid.

Daqiiqadii 31 aad ayay Inter Milan jabisay ismari waagii kadib markii uu Gary Medel kooxdiisa Inter Milan udhaliyay gool qurux badan isaga oo waliba kubbad joog hoose ku socota ku darbeeyay goolka AS Roma waxana sidaa kubbadu ku gashay shabaqa Roma waxaana fursadan ku guuldaraystay in uu badbaadiyo goolhayeSzczesny, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Inter Milan hogaanka kula wareegtay. Halkan hoose ka daawo muuqaalka goolka Inter Milan ee cajiibka ahaa.

Roma ayaa dadaal badan ku bixinaysay sidii ay qaybta hore iskaga soo celin lahayd goolka looga hormaray basle Inter Milan ayaa fursad kasta ka beenisay kooxda Roma, waxayna qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Inter hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Roma soo laabatay iyada oo raadinaysa goolka barbaraha waxayna markiiba abuurtay fursado deg deg ah, waxaana daqiiqadii 52 aad Inter Milan markale badbaadiyay goolhaye Handanovic kaas oo fursad halis ah ka badbadiyayDzeko.

Sidoo kale goolhayeHandanovic ayaa daqiiqadihii 60 aad iyo 62 aad fursado goolal lagu dhalin karayay ka badbaadiyay Mohamed Salah iyoFlorenzi, waxayna Inter Milan nasiib ku lahayd in goolhayaheedu kulankan soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 73 aad ayay AS Roma dhibaato kale soo foodsaartay kadib markii kaadhka cas loo taagayMiralem Pjanic kaas oo qaatay kaadhkii labaad ee digniinta ahaa. Daqiiqadii 77 aad ayuu goolhaye Szczesny kooxdiisa Roma ka badbaadiyay gool cadaan ahaa kadib markii uuPerisic kubbad laba lugoodlay ah meel gaaban kaga darbeeyay.

Laakiin Roma oo 10 ciyaartoy lagu soo yareeyay ayaa wali dagaal ugu jirtay sidii ay goolka barbaraha ula iman lahayd balse ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Inter Milan guul muhiima ah kaga gaadhay kooxda hogaanka Serie A-da haysay ee Roma waxayna Inter hadda la wareegtay hogaanka horyaalka Talyaaniga.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip