Duqa cusub ee Muqdisho oo Maanta Kormeer ku Tagay Xafiisyada Dowladda Hoose -

0
Sunday November 01, 2015 - 03:45:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa cusub ee Muqdisho oo Maanta Kormeer ku Tagay Xafiisyada Dowladda Hoose -

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir iyo duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale geeyay xafiisyada Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir iyo duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale geeyay xafiisyada Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku shaqeeyaan.

Mudane Yuusuf Jimcaale ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo booqday dhamaan xafiisyada dowladda Hoose iyo sida ay u shaqeynayaan xilligaan.

Sidoo kale, Duqa cusub ee Muqdisho ayaa waxaa la geeyay xarunta dab-damiska dowladda Hoose, iyadoo la tusay gaadiidka Dab-damiska. Waxaa kaloo la geeyay xaruntii KMG uu ku shaqeyn jiray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee degmada Huriwaa, isagoo ku maray socod qaybaha xaruntaas ay ka kooban tahay.

Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee maamulka gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay sida ay howlaha xafiisyada Dowladda Hoose u socdaan, wuxuuna guddoomiyihii hore uga mahad-celiyay howlihii uu qabtay muddadii uu xilka hayay.

Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir warbixinno siiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo Duqa Muqdisho, isagoo uga warbixiyay sida ay u socdaan howlaha Dowladda Hoose, wuxuuna goobta ka sheegay inay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo.

Ugu dabeyn, Isniinta soo socota oo ay taariikhdu tahay 02-da November, 2015, ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir uu la wareego maamulka guud ee gobolka Banaadir.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip