Waddamada Yurub oo Maal-gelinaya Afrika si looga Hor-tago Faqriga iyo Qulqulka Qoxootiga -

0
Friday November 13, 2015 - 01:58:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddamada Yurub oo Maal-gelinaya Afrika si looga Hor-tago Faqriga iyo Qulqulka Qoxootiga -

    Ururka Midowga Yurub ayaa maanta shaaciyay in maal-gelin deg-deg ah ay ku sameyn doonaan Afrika, iyagoo ku deeqay dhaqaale gaaraya 2-bilyan oo doollar, si wax looga qabto saboolnimada iyo colaadaha, kuwaasoo sabab u ah qoxootiga faraha badan ee ku qu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Yurub ayaa maanta shaaciyay in maal-gelin deg-deg ah ay ku sameyn doonaan Afrika, iyagoo ku deeqay dhaqaale gaaraya 2-bilyan oo doollar, si wax looga qabto saboolnimada iyo colaadaha, kuwaasoo sabab u ah qoxootiga faraha badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Yaboohan dhaqaale oo looga dhawaaqay kulan ay madaxda Yurub iyo Afrika uga socday laba maalmood jasiiradda Malta, iyadoo mas’uuliyiinta ururka Midowga ay gaba-gabadii kulanka ka sheegeen in waddamada Yurub ay lacagtan bixiyaan, iyadoo waddo dhowr ah ay kaga dhawaaqeen kuklanka yaboohooda.

Sidoo kale, kulanka ayaa laga soo sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa lasoo gudboonaaday dhibaatooyinkii ugu xumaa in ka badan Nus Qarni, iyadoo sannadkan ay waddamada Yurub galeen qoxooti ka imaanaya Suuriya iyo waddamo ah, taasoo sababtay in shirka Malta la qabto.

Dhaqaalahan ay Yurub ugu deeqday Afrika ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dallaka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee ay ka imaanayaa qoxootiga Yurub ku qul-qulaya, sida dalalka Geeska Afrika, kuwa ka hooseeya saxaraha iyo dalalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Waddamada Midowga Yurub ayaa waxay sanad walba siin jireen ururkooda 78-milyan oo Euro, balse madaxda Midowga Yurub ayaa waxay rajeynayaa inay lacagtu intaas ka badan doonto. Iyadoo madaxdii waddamada Afrika ee shirka ka qaybgalay ay qaarkood sheegeen in dhaqaalaha lagu baaqay aan waxba looga qaban karin dhibaatada ka jirta Afrika.

"Yaboohaan dhaqaale ma ahan mid dhibaatada jirta Qaarada Afrika wax looga qaban karo. 1.8 milyan Euro waa mid aan ku filnayn baahiyaha jira,” ayuu yiri madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou oo intaas ku daray in xilligaan ay Afrika wajahayso ay ka mid yihiin tahriibka iyo abaaraha.

Mahamadou Issoufou oo sii hadlayay ayaa yiri. "Qaaradda Afrika uma baahna oo keliya in la saacido, balse waxay u baahan tahay in la hagaajiyo maamullada, ganacsiga caalamkana uu noqdo mid cadaalad ku dhisan. dalalka Afrika waxay u baahan yihiin in lagu sameysto maal-gashi dheeraad ah. Gargaarka la siinayo dalalka Afrika waa mid wanaagsan, balse ma ahan mid ku filan baahiyaha jira.”

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Afrika ku caawinayaan uu yahay mid ay ugu talo-galeen in wax looga qabto tahriibka faraha ka baxay, iyagoo ballan-qaaday inay Qaaradda ku caawinayaan dhaqaale intaan ka badan.

Ugu dambeyn, Warbixinta lagu soo saaray shirka Malta ku dhexmaray Afrika iyo Yurub ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli toddobaadkii hore ay mas’uuliyiinta Midowga Yurub ay sheegeen in 3-milyan oo qof oo magan-galyo doon ah ay Yurub kusoo wajahan yihiin illaa sannadka 2017-ka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip