Xildhibaan Ismacil Muxidiin: ''Weerarki Paris waxa uu ahaa mid lagu doonaayay in naceyb laga dhax abuuro bulshooyinka kala diimaha ah ''

0
Sunday November 29, 2015 - 13:22:26 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ismacil Muxidiin: ''Weerarki Paris waxa uu ahaa mid lagu doonaayay in naceyb laga dhax abuuro bulshooyinka kala diimaha ah ''

    Xildhibaan Ismaaciil Muxidiin oo ah xildhibaan Soomaaliyeed ee katirsan barlamaanka Trondheim ee dalka Norway, ayaa waxa wareysiyo oo uga fal celinaayo weeraradi argagaxa badnaa ee Paris siiyay qaar kamid ah mediyaha dalka Norway.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ismaaciil Muxidiin oo ah xildhibaan Soomaaliyeed ee katirsan barlamaanka Trondheim ee dalka Norway, ayaa waxa wareysiyo oo uga fal celinaayo weeraradi argagaxa badnaa ee Paris siiyay qaar kamid ah mediyaha dalka Norway.

Xildhibaanka oo kamid ah siyaasiyinta Soomaalida ee kujira dowlada dalka Norway kuwooda uga fir fircoon ayaa wareysiyadiisa waxey qabsadeen inta badan jaraa’idada ugu afka dheer dalka Norway.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn xusay ka bulshada muslimiinta ahaan iyo side uga xun yihiin weerarki koox argagixisaa balse sheeganeeso iney yihiin Islaam ee ku weerareen goobo kala gedisan ee magaalada Paris dalka Faransiiska, iyadoo dhacdadaani ee tahay mid si weyn udhaawaceyso diinteena sharafta badan ee Islaamka oo haba yaraatee ficilada nuucaan ah eesan shaqo kulaheen.

‘’ Weerarka Paris waxa uu la mid yahay weerarada joogtada ah ee kooxaha argagixisada had iyo jeer ee ku gumaadaan dadka shacabka kuwaasi oo ka kala dhaca dhamaan qaaradaha dunida. Waana mid eesan ku matalin diinta islaamka’’, ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil.

Xildhibaanka ayaa tusaale usoo qaatay kooxda argagixisada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo geeska afrika kuwaasi oo weeraro joogta ah oo lamid ah kuwa Paris ka fuliya gudaha dalka Soomaaliya iyagoo si aan kala sooc aheyn ku xasuuqo shacab aan waxba galabsan.

‘’ Sidoo kale waa in aan xasuusnaano in ururada argagixisada sida (ISIL, Al-Shabaab, Taliban iyo Boko Haram) maalin kasta ay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan’’.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka Islaamka ah ee kunool wadamada reer galbeedka iney iney is dajiyaan, isagoona balan qaaday ka siyaasi ahaan iney ka qeyb qaadan doonaan barnaamijyo kor loogu qaadaayo wacyi gelinta iyo is dhaxgalka bulshooyinka kala gedisan ee kuwada nool qaaradaan yurub gaar ahaan wadanka Norway.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip