Qaxooti doon ku soo galay Sweden iyo tareenada oo aqoonsi dadka waydiin doona

0
Friday December 04, 2015 - 02:34:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti doon ku soo galay Sweden iyo tareenada oo aqoonsi dadka waydiin doona

    Iyadoo dowlada Sweden ay hada si degdeg ah u dhaqan-galinayso sharci ku qasbanaya shirkadaha gaadiidka dadweynaha sida tareenada, doomaha iyo basaska in ay dhamaan rakaabka waydiiyaan aqoonsi ayaa waxaa wadanka markii ugu horeysay taariikhda Sweden d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo dowlada Sweden ay hada si degdeg ah u dhaqan-galinayso sharci ku qasbanaya shirkadaha gaadiidka dadweynaha sida tareenada, doomaha iyo basaska in ay dhamaan rakaabka waydiiyaan aqoonsi ayaa waxaa wadanka markii ugu horeysay taariikhda Sweden doon yar ku soo galay qaxooti.
Qaxootigaan ayaa la sheegay in ay ka soo degeen xeebta Skillinge ee gobolka Skåne, iyadoo aan la cadeyn halka ay ka soo safreen. Ka dib markii ay Sweden bilowday adkaynta xuduuda kala dhaxaysa Denmark ayay ku adkaatay qaxootiga in ay wadanka soo galaan, dadkaan doonta soo raacay ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee sidaa sameeya. Waxaa la tuhunsanyahay in dadkaan lagu soo qaaday markab oo xeebaha agagaarkooda lagu dajiyay, iyagoo markaas soo raacay doon yar oo aan awoodin in ay badda Baltica ka soo gudubto.

Dhinaca kale, dowlada ayaa shaacisay in ay dhaqan-galin doonto shuruuda in aqoonsi la waydiiyo cidkasta oo raacaysa gaadiidka dadweynaha ee Sweden ka soo gala wadamada dariska ah. Wasiirka Socdaalka ayaa sheegay in sharcigaan la dhaqan-galin doono ka hor ciida Kirismaska ee ku beegan December 25.

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip