Waxaa kaloo kasoo qeybgalay marti sharaf ciyaartooy hore ahaa oo magac & maamuus ku lahaa sportiga Soomaaliya oo ka kala yimid wadamada badan oo Yurub ka tirsan.
Ciyaarahan oo si habsime leh uga dhacay magaalada gothenburg ayaa waxaa kaalinta koowaad galay kooxdii ku ciyaareysay magaca Al-Hijra, iyadoo kaalinta labaadna ay gashay midka mid ah kooxaha martigaliyay tartanka SSK, halka kaalinta 3aadna ay gashay kooxda Neutrala IF oo martida loo ahaa.
Xafladdii xiritaanka ayaa waxaa khudbado qiimo badan oo isugu jira dhiirogelin, mahadnaq & hambalyeen kasoo jeediyay masuuliyiin & odayaal sports ah kuwaasoo aad uga mahadceliyay soo dhaweyntii wanaagsaneyd ee lagu maamuusay iyo qaabkii wanagsanaa ee ciyaarahaasi ku dhaceen.
Waxaa halkaas hadallo kooban kasoo jeediyay: mudane Mohamed Muuse Hussein(Micraaj ) oo ah gudomiyaha Neutrala IF oo si diiran ugu soo dhaweeyay martida ka timid wadamada kala duwan ugna cudur daartay waxii ay ka gaabiyeen in ay tahay uun wax ay kari waayeen.
Waxaa kaloo ka hadla mudane Omar Abdi (Gurey) oo si wanaagsan uga warbixiyay qabanqaabada tartanka iyo waxa ay ku rajaweynaayeen oo la qabtay intoodi ugu badneyn cafisna weydiisatay martida waxii qalad ay tabanayaa, iyo marti sharaf kale kuwaasoo dhammaantood dhalinyarada ku guubaabiyay sportiska una sheegay inuu faa,iidooyin badan leeyahay.
Waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarinamadii, iyada oo ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka uu ku guuleystay (Osman Ali (proni ) ka socday Al-Hijra Uk, tartanka gooldhalinta waxaa qaaday isla Ciyaryahanka Osman Ali (proni) waxaa kaloo macalinkii ugu fiicnaa intuu tartanka socday noqday Macalinka kooxda Trondheim Tigers Norwey, Macalin Maslax Ali Mohammed.
Waxaa kaloo abaalmarin la gudoonsiiyay mid ka mid ah dhalinyaradii ugu sameeynta badnaa inta ay Eurosom Dhisantahay Mohamed Amin. Amin waxaa lagu xasuustaa in uu noqday ciyaartooygii ugu dada yaraa ee ebed soomara Eurosom,isagoo markii ugu horeeysay uu ka soo dhaxmooqday tartamada Eurosom aheeyd 2011 isagoo15 jir ahaa, maantana uu mudan yahay ku dayasho maadama, sanadkan uu bilaabay jaamacad maagaalada Oslo isla markaana uu noqday Siyaasigii ugu dada yaraa ee loo doorto City Council ka magaaladiisa. Sidoo kale waxaa abaalmarin la gudoon siiyey Gudomiye Sharafeedka Eurosom ahaana Gudomiyihii hore ee Eurosom Mudane Mohamed Diini oo xilka Gudoominimada soo haayey ilaa iyo sideed sano.
Ciyaarahan oo si habsime leh uga dhacay magaalada gothenburg ayaa waxaa kaalinta koowaad galay kooxdii ku ciyaareysay magaca Al-Hijra, iyadoo kaalinta labaadna ay gashay midka mid ah kooxihii martigaliyay tartanka SSK, halka kaalinta 3aadna ay gashay kooxda Neutrala IF oo martida loo ahaa.
Ugu danbeyntii waxaa munaasabaddaas hadal kooban kusoo xiray gudoomiyaha EUROSOM Ibraahim Ahmed Takar (Jaango´an) oo u mahdcliyay dhammaan kasoo qeybgalayaasha, halkaasina ugu hambalyeeyay kooxdii ku guuleysatay tartanka. Xafladdaas oo jawi aad u macaan kusoo gabagabowday ayaa dhinaca maaweeladana waxaa si wanaadsan u so bandhigay Dhaanto iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka kooxda SSK DHAANTO GROUP dadkii kasoo qeybgalay ka maqsuudiyay
CIYAARIHII EUROSOM EE LAGU QABTAY GOTHENBURG SWEDEN OO LA SOO GABAGABEEYAY (Sawiro)
Ciyaarihii sanadlaha ahaa ee EUROSOM ayaa galabnimadii sabtidda lagu soo gaba gabeey xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta ay soo wada diyariyeen ururada SSK iyo neutrala IF oo ka dhisan caasimada labaad ee wadanka sweden magalada gothenburg