Gudomiyaha G/Banaadir Md Yuusuf Boorsaani oo Digniin u Diray Dadka ku howlan Xusidda Ciidda Kirismiska

0
Wednesday December 23, 2015 - 03:30:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyaha G/Banaadir Md Yuusuf Boorsaani oo Digniin u Diray Dadka ku howlan Xusidda Ciidda Kirismiska

    Kulan looga hadlayo wacyi gelinta Bulshada iyo xoojinta is dhex galka ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho,,kaasi oo ay taaba gelineyso Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan looga hadlayo wacyi gelinta Bulshada iyo xoojinta is dhex galka ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho,,kaasi oo ay taaba gelineyso Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ku-xigeenada guddoomiyaha gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, xubno ka socday Ururka Haweenka Qaranka, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Hay’adda Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay shirka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid looga tashanayo sidii wacyi gelin guud loogu sameyn lahaa bulshada ku dhaqan caasimadda, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna gacan ka geystaan bilic soo celinta caasimadda.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo hadal qaaday war ka soo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada Soomaaliya oo ku aadan in laga fogaado xuska Ciida Kirismaska oo laga yaabo iney ka dhacaan Muqdisho iyo meelo kale oo shacabka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin.

Wuxuu sheegay in shacabka iyo Hotelada Muqdisho looga baahan yahay iney ka fogaadan waxyaabaha ka hor imaanaya Diinteen Suuban sida Ciida Kirismaska ee la sheegayo,isagoo gudoomiyaha carabka ku adkeeyay inaan lagu xadgudbin diinta.

Ugu danbeyntii,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Shacabka kula dardaarmay in la adkeeyo digniinta ka soo baxday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta lagana fogaado Ciida Masiixiga ee la sheegay oo loo dabaal dego Bilowga sanadka walba.

Hadalka Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku soo aadaya,xilli war ka soo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada digniin loogu jeediyay Shacabka Muqdisho iney ka fogaadaan xuska Ciida Masiixiga.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip