Dawlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay si aan kala sooc laheyn u laysay dad kasoo jeeda qawmiyada Oromada oo dalkaasi dega inta ay socdaan rabshadaha ka dhanka ah dawlada.
Mas’uuliyiin ka tirsan gole ay leeyihiin qawmiyada Oromada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dileen 86 ruux oo rayid ah tan iyo horaantii bishaan.
Mas’uuliyiinta eedaynaya xukuumadda Addis-Ababa waxaa ka mid ah Beke Negela oo ah xog’haye ka ah golaha Oromada Itoobiya.
Sargaalkaan waxaa uu dawlada Itoobiya weydiistay inay wax ka badasho siyaasadda awooda ku saleysan ee ay dadka dibad baxyada dhigaya u adeegsanayso.
Qawmiyadda Oromada oo ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya waxaa ay ku eedaynayaan xisbiga talada wadanka haya ee EPRDF inay faquq iyo dhul boob ku hayaan.
Rabshadaha Itoobiya ka socda ayaa bilowday horaantii bishaan waxaana ay timid markii dawladu ay sheegtay inay keentay qorshe ay ku balaarinayso caasimadda Addis-Ababa
Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq ay u gaysatay dad ka soo jeeda qawmiyada Oromada
Dawlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay si aan kala sooc laheyn u laysay dad kasoo jeeda qawmiyada Oromada oo dalkaasi dega inta ay socdaan rabshadaha ka dhanka ah dawlada.