Xaflad Lagu Soo Bandhigay Waxqabadka Maamulka Degmada Warsheekh Oo Xalay Lagu Qabtay Xarunta Degmadaasi (Sawiro)

0
Thursday January 07, 2016 - 12:52:01 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 2949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xaflad Lagu Soo Bandhigay Waxqabadka Maamulka Degmada Warsheekh Oo Xalay Lagu Qabtay Xarunta Degmadaasi (Sawiro)

    Waxaa xalay xarunta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe, lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka Degmada Warsheekh mudadi lixda bilood ee uu shaqeeynayay maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay xarunta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe, lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka Degmada Warsheekh mudadi lixda bilood ee uu shaqeeynayay maamulkaasi.

Munaasabada ayaa lagu qabtay garoonka Kubadda Kolayga Degmada Warsheekh, taasi oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka socotay maamulada Banaadir iyo Sh/Dhexe, maamulada degmooyinka, saraaliil, ciidamada ammaanka iyo boqollaal dadweyne ah.

Intii ay xafladda socotay ayaa mas'uuliyiintii iyo dadkii kale ee xaflada ku sugnaa waxaa loo shiday Muuqaal ku saabsanaa waxqabadkii Maamulka degmada Warsheekh, lixdi bil ee la soo dhaafay.

Masuuliyiinta xaflada ka hadashay oo aad u fara badnaa ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in si aad ah loogu baahan yahay in ka shaqeynta amaanka wax lagala qabto maamulka haatan haya talada Maamulka Degmada iyo dhinacyada kaleba.

Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) gudoomiyaha degmada Warsheekh oo ka hadlay munaasibada xalay lagu soo bandhigayay waxqabadka muddada lixda bilood ah ee Maamulka degmada ayaa sheegay in maamulku qorsheynayo in mashaariic kala duwan laga hirgelinayo degmada.

Gudoomiyaha Shiidka ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa "Waxaan dhawaan hirgelin doonaa mashaariic fara badan kuwaasi oo isugu jira caafimaad, waxbarasho, kalluumeysi iyo beero maadaama ay degmadu tahay mid ammaan ah”.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayado iyo heeso wadani ah oo ay soo bandhigeen kooxda Muqdisho Band kuwaasi oo ka turjumaya xaalada haatan jirta degmada taasi oo dhinac waliba leh.

Ugu dambeyn, xaflada waxaa ay ku soo dhamaatay jawi degan iyadoo dhamaan ka soo qeybgalayasha dhamaantood ay ahaayeen kuwo farxad ka muuqato.


Xafiiska shabakada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe .
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip