Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed oo Xaflad Qatinka Bisha Mowliid ku Qabtay Xarunta Sheekh Cisman Xidig ee Muqdisho (Sawiro)

0
Thursday January 14, 2016 - 01:40:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed oo Xaflad Qatinka Bisha Mowliid ku Qabtay Xarunta Sheekh Cisman Xidig ee Muqdisho (Sawiro)

    Xaflad lagu soo qatimayay munaasabadihi taxanaha ahaa ee lagu weyneenayay dhalashada xabiibkeeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu soo qatimayay munaasabadihi taxanaha ahaa ee lagu weyneenayay dhalashada xabiibkeeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Munaasabadaani oo aheed mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxa isku soo duba riday golaha guud ee culuma’udiinka Soomaaliyeed oo ah gole ee ku kulansan yihiin dhamaan jikooyinka ahlu dariiqo ee culuma’udiinka Ahlusunah waljamaac.

Kasoo qeybgalka munaasabada oo aheed mid si siman uga soo wada qeybgaleen qeybaha kala gedisan ee bulshada sida Culumida, Aqoonyahanada, dhaqanka, siyaasiyiinta, haweynka iyo dhalinyarada ayaa waxa halkaa lagu soo bandhigay muxaadarooyin aad uqiimo badnaa oo ee isga daba mareen mudarasiin aad ugu xeel dheer ka sheekeenta siirada Rasuulka (CSW) iyadoo dhaxtaal u aheed qasiidooyin aad umacaan badan oo ee aqrinayeen qaar kamid ah talaamiida reer Sheekh Cabdi Celi oo uu horkacayay Sheekh Abuukar Sheekh Axmed Yare Sheekh Muxumed iyo Daakiriinta reer Sheekh Ismaan Xidig.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxa goob joog ahaa,

• Gudoomiyaha golaha guud ee culimada Soomaaliyeed,
Shariif Ibraahim Shariif Cabdullaahi,
• Gudoomiyaha golaha shuurada Sheekh Sayid Abba Cali,
• Gudoomiyaha guddiga fulinta Sheekh Xasan bayaan
• Sheekh Cabduqaadir soomoow
• Sheekh Ciisadiin Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celli
• Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle
• Sheekh Yuusuf Sheekh Cabdullaahi

Ugu danbeyntii waxaa xaflada dhalashada Nabigeena Maxamed NNKH soo gunaanaday Sheekha Xaruntiisa lagu qabanayay ee Cusmaan Sh. Cumar Sh. Daa'uud oo ku magacdheer Sh. Cusmaan Xiddig. oo duco aad uqiiro badan ka jeediyay munaasabada ayaa bogaadiyay maamulka cusub ee golaha guud ee culimada Soomaaliyeed

Munaasbadaani ayaa sidoo kale inta ee socotay waxey culum’udiinki soo dhameestireen dhismaha hay’ada golaha culimada iyadoo Sheekha weyn ee Murabiga ah Sheekh Cisman Xidig oo dhiiro gelin iyo taageeraba umuujiyay hay’ada isagoo ugu baaqay iney dar dargeliyaan iska xirka dhamaan Ahlu Dariiqo iyo guud ahaan maslaxada dalka Soomaaliya maadamaa culima’udiinka Ahlsunah Waljamaac ee yihiin kuwa kaliya ee wili baaqi ku ah quluubta shacabka Soomaaliyeed ee jecel wanaaga iyo weyneenta culimadooda .

Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ayaa ah culimada kaliya ee sababta au aheed in diinta islaamka ee ku faafto wadamada Afrikada bari iyadoo dhiigna ku daadan ayaa waxey gudaha shacabka soomaaliyeed ku leeyihiin sharaf iyo cisi isla markaana culimada ee u horseedi doonaan dalka iyo dadka towfiiq caam ah oo lagu diirsado, barakada xabiibkeeni Maxamed fadligeeda (NNKH).

Waa xafiiska shabakada Warsheekh oo idin leh sanadkaan kiisa xiga samo iyo siyaado eebe hanagu gaarsiyo.
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip