Kenya oo wili baadi goob ugu jirto Askar nolosha lagu watay

0
Wednesday January 20, 2016 - 01:07:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo wili baadi goob ugu jirto Askar nolosha lagu watay

    Ciidamada Kenya ayaa duqeyn xoog leh oo ka imanaya diyaarado iyo madaafiicda dhulka waxa ay weli ka wadaan deegaanada ku dhowdhow tuulada Ceelcadde ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kenya ayaa duqeyn xoog leh oo ka imanaya diyaarado iyo madaafiicda dhulka waxa ay weli ka wadaan deegaanada ku dhowdhow tuulada Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Boqolaal qoys oo ku noolaa tuuladaas ayaa isaga cararay iyadoo wararku ay sheegayaan in qoysaskaa ay dhibaato ku hayso dhulka baadiyaha ah oo ay u carareen iyadoo duqeyn ay deegaanadaa ka wadaan ciidamada Kenya.

Lama oga tirada saxda ah ee dadka rayidka ah ee wax ku noqday duqeyntan, hase yeeshee ciidamada Kenya ayaa si xoog leh duqeyn uga wado deeganadaas.

Wararka ayaa sheegaya in illaa soddon askari oo ka mid ahaa ciidamadii ka cararay saldhigga ciidan ee CeelCadde oo gaaray xadka dalka Kenya loo duuliyay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Kenya ayaa markale ku celiyay in ay ka go’an tahay in ay la dagaalamaan ururka Alshabaab." Waxaan ku difaaci doonaa si walba oo ay noqoto waxana aan iska kaashan doonaa dalalka gobolka inaan ka guuleysano argagaxisada,”ayuu Madaxweynaha Kenya ku hanjabay isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay xarun waxbarasho oo ah Dugsiga hoose ee Lango Baya,Kilifi County.

"Waan difaaceynaa dalkeena gobol ahaan ayaan u midoobi doonaa si aan uga guuleysano oo aan u xaqiijino in aan nabad ku noolaano.” Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay shacabka Kenya inay taageeraan ciidamada.

"Waa inaan siinaa taageeradeena sababtoo ah waa dhiigooda kana an sida nabada ah ughurdeyno dalkeena horumarkana uu ugaga socdo,”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Kenya.

Taliyaha ciidamada Milatariga dalka Kenya Gen Samsom Mwathethe, ayaa ku tilmaamay weerarada iyo duqeynta ay ka wadaan deegaanada ku dhow dhow CeelCadde inay tahay mid si taxadar uu ku jiro loo qaadayo maadaama ay raadinayaan ciidamo nool iyo weliba kuwa kale ee dhintey meydadkooda.

"Waxaan ka warqabnaa in qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka dhiganayaan gabaad,”ayuu yiri taliyaha. Adan Ducaale oo ah hogaamiyaha baarlamaanka ee xisbiga talada dalka Kenya ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

"Dowladu waa inay Alshabaab ku ciqaabtaa toban jibaarka qasaaraha ay u geysatay dalka Kenya,”ayuu yiri Mr Duale. "Waa inaysan na cabsi gelin argagaxisada waxa ay sameynayaan, waana inaan burburinaa oo gobolka ka sifeynaa si aan ugu noolaano nabad iyo barwaaqo.”ayuu sii raaciyay.

Illaa iyo hadda lama oga tirada saxda ah ee loogaga diley ciidamada Kenya weerarkii arrornimadii Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku lahaayeen deegaanka CeelCadde ee gobolka Gedo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip