Wasiir katirsan xukuumada Soomaaliya oo ciidan ku weeraray Garoonka kubada cagta ee Banaadir

0
Wednesday January 20, 2016 - 01:26:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 5173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir katirsan xukuumada Soomaaliya oo ciidan ku weeraray Garoonka kubada cagta ee Banaadir

    Waxaa beryahaan Muran ka taaganyahay garoonka Banaadir Stadium kadib markii uu shalay Ciidan Geeyey Garoonka isaga oo amray in aan lageli karayn isaga oo ka hor istaagay taageerayaashii faraha badnaa ee u soo daawasho tagay Kulankii Dekedda iyo Saxaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa beryahaan Muran ka taaganyahay garoonka Banaadir Stadium kadib markii uu shalay Ciidan Geeyey Garoonka isaga oo amray in aan lageli karayn isaga oo ka hor istaagay taageerayaashii faraha badnaa ee u soo daawasho tagay Kulankii Dekedda iyo Saxafi.

Ciidanka Shalay la geeyey Garoonka Banaadir ayaa lsheegayaa in ay ahaayeen kuwo uu soo diray Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Cusmaan Aadan Dhuubow kaas oo ku andacoonaya in aan Wasaaradiisa wax laga siin Lacagaha laga qaado dadka Daawada Cayaaraha lagu dheelo Garoonkaas.

Hadaba handadaada Wasiir Dhuuboow Maxaa loo qaadan karaa hadii uu shalay Kismaanyo kaga dhawaaqay in Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya ku dhisanyahay qaab qabiil Maantana uu Hor istaagay habsami u socodkii Horyaalka Soomaaliya ee kasocda Garoonka Banaadir? taas waxaa ka muuqanaysa in ay ka weyntahay Lacag laygama siiyo Garoonka ee wax kale ayey Salka kula jirtaa sow lama dhihi karayo.

Waxaa kaloo jira in markii ay Wasaaradu amartay in aan garoonka lageleyn Ciidana ay geeyeen arinta ay soo dhex galeen qaar kamid ah Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo xaal mastuur ka dhigay in aan wax lacag ah lagu Daawan oo dadku iska Galaan Garoonka Waxaana shalay iyo Maanta Cayaarihii dhacay lagu galay Garoonka Lacag la’aan.

Sida aan la socono Dowladaha Caalamka intooda badan waxa ay qarash aad u badan geliyaan Horumarka Sportiga dalkooda halka hada ay Muuqato in Dowladii Soomaaliya ay naf kasoo raadiyeen Toban kun oo shilin Soomaali ah oo laga qaado dadka Daawada Cayaaraha Garoonka Banaadir iska daa in ay kabaan oo ay u sameeyaan Miisaaniyad lagu kabo dadka ka shaqeeya Sportiga dalka iyo Horumarintiisaba.

Dhanka kale Waxaa layaab ku noqotey bahda Sportiga Soomaaliya Ciidanka lageeyey Garoonka ee dadka kahor istaagay in ay garoonka Galaan iyada oo la awoodey in Wasaaradu waraaq u qorto Xiriirka kuna amarto inay joojiyaan Cayaaraha taas oo sharci ahaan ah mida Saxda ah waxaana sheekadaan ay dad badan soo xasuusisey xiligii Mooryaanta ee laga soo gudbay.

XIGASHO: Qalinka Cayaaraha
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip