1: Nimanyohow ba’dii gabay beryahan waanigaan bogane.
2: Ma bayaamin maansooyinkaan buuni ku ahaaye.
3: Warka xalay baddii iiga baxay baan bul soo idhiye
4: Keenyaa dhulkii biicsatoo, bixisay laaluushe.
5: Imminkana war buuxaa dorraad iiga soo baxaye.
6: Calankii buluuggay dheheen waa beddelaynaaye.
7: Baddeennii ayay boobtayoo, jaratay baal wayne.
8: Baad bay ku qaateen dhul aan beerna ugu oole.
9: Badaw aan iimaan badan lahayn baa ka biicsadaye.
10: Been buu ku dhaartoo, dalkii burundigii siiye.
11: Isagaa ku ba’ayoo xaq buu meel ka buuxsadaye.
12: Keenyana bilaash bay rabaan inay na baadaane.
13: Markay bililiqaysteen haddaan cidi la baawaysan.
14: Haddaan ciidan badan loo kaxayn horayna loo beegsan.
15: Caqligood ba’yoow waxay dheheen, waa lagaa baqaye.
16: Bartoodii ma joogine horay uga boqooleene.
17: Beled-xaawo goortay tageen buu bartaa degaye.
18: Birihii xuduudkuu la tagey oo lasoo baxaye.
19: Darbi bay bineeyeen sidii gudaha baarliine.
20: Buur bay dhisaayaan haddaan beerka loo dhigane.
21: Belel iyo haddii aan la siin dhuxulo boodaaya.
22: Dalkii baaxadda lahaa runtii waa la baabi’ine.
23: Haddaan baadhno taariikhda oo buugta lagu laabto.
24: Beri buu dalkeennuba lahaa gudo ballaadh wayne.
25: Badankiisi keenyuu jiraa, bixinna maayaane.
26: Xabashina badh bay qaadatoo baaqi kuugu ahe.
27: Waxa baylahdaa inaga dhigay biritan weeyaane.
28: Ilaahay ha baabi’iyo waa dawlad baadi ahe.
29: Beri baa dalkeennuba lahaa boolis xoog badane.
30: Beri buu lahaa baarri iyo ciidan aan baqine.
31: Beri buu banaadiiq lahaa boobayaal culuse.
32: Beri buu buruud iyo lahaa wiilal beer adage.
33: Beri buu adduunyada badhkeed bilicda dheeraaye.
34: Beri buu badrool iyo lahaa ilaha baasiine.
35: Beri buu bariis iyo lahaa mooska loo bogaye.
36: Beri buu lahaa boorash iyo baradho waaweyne.
37: Beri buu lahaa beero uu badar ku yaallaaye.
38: Beri baa adduunyada badhkeed biilal loo raraye.
39: Markii ay abaaruhu badeen gaajo iyo baabba’.
40: Baabuur bariisiyo marbaa baasto loo diraye.
41: Beri bay bulshada caalamkuba booqashow timiye.
42: Beri buu warshado baaxadliyo, biraha soo saaray.
43: Beri buu rasaastiyo bundukha meel ku wada beeray.
44: Beri buu itoobiya ba’shoo belelku qiiqaabay.
45: Taariikhda beri buu bulshada baalcad kaga yaallay.
46: Beri buu ku biiroo ku jiray, dunida baarkeeda.
47: Beri buu lahaa baasaboor aan dadkuba baadhin.
48: Beri buu dalkuu soo bax dhaho ay ka baqayeene.
49: Beri buu ahaa baarqabkaa geela baacsada’e.
50: Siyaad baa bartaa inagu furay oo nasoo bidhaye.
51: Ilaahay ha barakeeyo oo naar ha kaga baajo.
52: Guri baahsan eebbow jannada uga binee wiilka.
53: Niman baa burburiyoo ka dhigay goob dagaal badane.
54: Habeenkoo badh tagey baa rasaas bawda la hayaaye.
55: Boqollaal qof baa dhimanayoo maalin baaba’a e.
56: Haddeeraa ilaah naga baxshoo nabaddu soo boodday.
57: Aqoon barashadii iyo haddaa khayrka loo baxaye.
58: Haddeeraa iskuulladu bateen oo dadkii barane.
59: Haddeeraa bayaankii la helay keenya nagu boobtay.
60: Baddii iyo dhulkii iyo haddaan buurtii soo celine.
61: Bulsha-weynta soomaaliyeey badaha soo booqda.
62: Berriga iyo buuraha tagoo dhulalka soo baadha.
63: Inta uu badkeennii ahaa muruq kusoo booba.
64: Haka baqina keenyana dulliga waa is baraynaaye.
65: Baaruud kulayl iyo sun baan baabbah kaga siine.
66: Bakhti baan ka dhigaynaa sidii bahalo neef qaatay.
67: Waxba gabayga badin maayo ee waan ballamayaaye.
68: Baddu waa arzaaq uu ilaah inagu biilaaye.
69: Idinkaa lahaayoo badh baa haatan kaa baxaye.
70: Nimanyohow ka boodoo kufriga baal isaga tuura.
71: Yaan la ina baacsane dadyohow kenya wada beega.
72: Idinkoo hal beel oo kalaa kenya wada beega.
73: Iyagaa baqaayee ragoow kenya wada beega.
74: Afka iyo gacmaba soo baxshoo kenya wada beega.
75: Oday baxar ah, iyo wiil yarow kenya wada beega.
76: Baddeennana kasoo dhiciya oo baal kasta u dhaafa.
77: Ilaahayna waa inoo bakhtiin gaalka bayrta lehe.
Mahadsanidiin.
Badbaadiya Baddeenna (Gabay) W/Curiyey Axmed Sh. C/laahi Faarax (Cag-Madhige)
Gabaygan Waxa uu soo baxay 14-nov-2015, waxaa curiyey Axmed Sh.C/laahi Faarax (Cag-Madhige), Waxa uu gabaygu ka hadlayaa badda soomaaliya oo la damacsanyahay in laga iibiyo dalka kenya. Ka Bogosho Wacan: