Madaxa dhismaha mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi oo baaq u jeediyay asxaabta kheyrka jecel + Sawirro

0
Sunday February 14, 2016 - 09:51:49 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 2158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa dhismaha mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi oo baaq u jeediyay asxaabta kheyrka jecel + Sawirro

    Madaxa dhismaha mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howl baaxad leh oo ay ka wadaan xarunta mowlaca ee degmada Warsheekh ee ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa dhismaha mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howl baaxad leh oo ay ka wadaan xarunta mowlaca ee degmada Warsheekh ee ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar oo ah madaxa dhismaha mowlacaasi ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayaan howlaha baaxadda leh ee uu ku dhisayo mowlacaasi, isagoona tilmaamay in dhismaha xarun diimeedka mowlaca Sheekha ay bilaabeen 01/01/2016-ka.

Sheekha ayaa sheegay in mowlaca uu diinta ku faafin jiray Shekh C/raxmaan Cumar muddo ka badan 40-sano, kaddibna geeridiisa aan wax dayactir ah lagu sameynin, taasi oo keentay in gebi ahaanba dib loo dhiso isla markaana la ballaariyo.

"Mowlaca aan hadda dhismihiisa bilownay Waa Alle SWT mahadiis meel wanaagsan ayuu noo marayaa, waxaana u mahadcelinayaa dhammaanba dadkii gacanta ka geystay" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar oo sheegay in loo baahan yahay ka qeyb qaadashada gurmadka lagu dhisayo mowlacaasi.

Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar (Boqorka) oo ugu baaqay dhammaanba asxaabta, jaamacadda iyo axbaabta kheyrka jecel ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay gacan ka geystaan dhameystirka mowlacaasi si halkaasi looga sii wado howlihii uu u hayay shacabka Soomaaliyeed ee jecel barashada diinta Islaamka.

Waxaa kale oo Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar (Boqorka) ku booriyay cid kasta oo gacan ka geysaneysa dhismaha mowlacaasi inay kala soo xiriiri karto ciwaankaan hoos ku qoran:-

Telefoon: 0615522055 ama 0619522055.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip