Yaa lunsaday dhaqaalihi lagu dhisi lahaa Wadada Jeneral Daa'uud ?

0
Saturday February 20, 2016 - 00:34:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa lunsaday dhaqaalihi lagu dhisi lahaa Wadada Jeneral Daa'uud ?

    Waxaa dib u soo laba kacleeyay fadeexadii hareysay shaqsiyaad lunsaday lacag dhan 4 Milyan Dollar oo ay iska soo ururiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed si loogu dayactiro wadada dheer ee lagu magacaabo Jan. Daa'uud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dib u soo laba kacleeyay fadeexadii hareysay shaqsiyaad lunsaday lacag dhan 4 Milyan Dollar oo ay iska soo ururiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed si loogu dayactiro wadada dheer ee lagu magacaabo Jan. Daa'uud.

Waxaa dib u soo laba kacleeyay fadeexadii hareysay shaqsiyaad lunsaday lacag dhan 4 Milyan Dollar oo ay iska soo ururiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed si loogu dayactiro wadada dheer ee lagu magacaabo Jan. Daa’uud.

Shaqsiyaadkaan oo intooda badan ka howlgala Telefishanka Universal ayaa la sheegayaa inay tiradoodu gaareyso ilaa afar ruux oo midkood ay haween tahay, kuwaasi oo iyagu kharajkaasi gacantooda ku soo dhacday.

 

Mid ka mid ah weriyeyaashii warbixinta ka qoray wadada Jan. Daa’uud muddo 8-sano kahor ayaa bartiisa xiriirka bulshada wada uu uga hadlay arrintaasi, isagoona sheegay inuu socdo qorshe ay wadaan shacabka ku dhaqan degmooyinka Wardhiigkey, Boondheere iyo Yaaqshiid oo ay marto wadadaasi si loo hor geeyo cadaaladda.

"Xisaab ayaa ka dambeysa guryaha lagu dhistay iyo xisbiyada lagu furtay” ayuu yiri Weriyahaasi oo lagu magacaabo C/Nuur Kediye isla markaana horay uga tirsanaa Weriyeyaasha Telefishanka Universal.

Dhinaca kale wadada Jan. Daa’uud oo ka mid ah waddooyinka uu burburka xoogan ku dhacay, ayaa iminka u muuqata inay gebi ahaanba baaba’eyso, iyadoo boholo waaweyn ay ka sameeyeen roobabka iyo dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalada Muqdisho.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip