Dowlada Norway oo wax ka badaleyso aragtida Qaxootiga Soomaalida

0
Saturday March 05, 2016 - 01:26:44 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Norway oo wax ka badaleyso aragtida Qaxootiga Soomaalida

    Waaxda agaasimka ajnebiga ee dalka Norway waxay sheegtay inay wax kabedelayso siyaasadeeda ku aadan dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Somalia, sababna waxay uga dhigtay in xaalada magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka soo raynayso. Hadda waxii ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda agaasimka ajnebiga ee dalka Norway waxay sheegtay inay wax kabedelayso siyaasadeeda ku aadan dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Somalia, sababna waxay uga dhigtay in xaalada magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka soo raynayso. Hadda waxii ka dambeeyana qofkasta oo Somaali ah Kiis kiisa ay sigooni ah u eegi doonaan, Halkii awal si wadar ah loo qiimayn jiray.

Agaasimka ajaanibta ee dalka Norway waxay hoosta ka xariiqday in xaalada Caasimada Muqdisho aysan wali ahayn mid la isku halayn karo laakiin aysan jirin khatarihii hore oo kale sida toogashada, garaacista iyo iyo dhibaatooyin liddi ku ah bini aadantinimada.

Waxaa Muhim ah inaan cadeeyo inay wali jiraan qaxooti kayimid Muqdisho una baahan magangalyo isla markaasna ku sugan Norway sidaaas waxaa tiri Hanne Jendal oo katirsan waaxda agaasimka ajaanibta.

Waaxda ajaanibta qaabilsan waxay u aragtaa inay ka sooraynayso xaalada tan iyo markii ururka Alshabaab iskaga baxeeen Muqdisho bishii August 2011 kii, waxyeelayntii shacabka iyo ku khasbidii colaada shacabkuna ay kayaraatay sidii hore, inkastoo argagixisada Alshabaab ay xaalada sii murjinayaan misana waxaa la doortay Baarlamaan cusub, madaxweyne iyo xukuumad iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo dhanka amaanka ah, sidaas waxaa laguu shegay qoraal kasoo baxay waaxda agaasimka ajnebiga.

Wadamo kale oo reer Yurub ah sida Sweden iyo UK ayaa sidookale go’aansaday inay wax ka bedelaaan siyaasadooda qaxootiga ee Somalida.

Xigasho UDI.

- See more at: http://wacaal.com/2013/01/norway-qaxootiga-somalida-oo-lagu-adkaynayo-sharciga-norway-hadda-kadib/#sthash.StmaAqEk.dpuf
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip