Jiilaal weyne ayaa dilaacay, qorax daran ayaa la dareemayaa, biyo la'aan ayaa bilaabatay, warihii, ceelashii iyo ilihii laga cabi jiray intooda badan wey gureen, webiyadii JUBBA iyo SHABELLE hoos bay u dhaceen, qeylo dhaan ayaa ka soo yeeraysa Tuulooyinka fog-fog iyo Degmooyinka Dalka, dad iyo duunyo abaartu faro ba'an ayay ku haysaa, dhimashada xoolahu wey socotaaa, baqdin waxaa laga qabaa inay Waayeelka iyo Caruurta u geeriyoodaan haraad la'aan.
Nasiib daro ma jiryo gurmad QARAN oo loogu gar-gaarayo deegaanada uu ciriiriga nololeed ka jiryo, amaan waxaa mudan shacbiga is-xilqaamay ee biyo dhaaminta u sameeyay dadkooda dhibaateysan, ma haboona in la isku eegto rafaadka walaalaheena haya, xilligaan xaaladu wey xun tahay, muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u samafalo Soomaalida ku gaajoonaysa Gobolada ama Muqdisho, haddaba sidee ugu haboon ee loogu gurman karaa HOOYADA, AABBAHA iyo CARUURTA ay hayso abaarta jirta? Fadlan taageer dadkaasi baahan.
By: Wariye Shiikhaalow
ARXAN MA-JIRYO MIYAA, ABAARTA MAXAA LA ISUGU EEGANAYAA?
Jiilaal weyne ayaa dilaacay, qorax daran ayaa la dareemayaa, biyo la'aan ayaa bilaabatay, warihii, ceelashii iyo ilihii laga cabi jiray intooda badan wey gureen, webiyadii JUBBA iyo SHABELLE hoos bay u dhaceen, qeylo dhaan ayaa ka soo yeeraysa T