Booliska Sweden oo ugaarsanaya qaxootiga sharciga loo diiday

0
Tuesday April 05, 2016 - 23:41:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Sweden oo ugaarsanaya qaxootiga sharciga loo diiday

    Booliska xuduudaha Sweden ayaa dhawaan bilaabaya in ay baacsadaan oo ugaarsadaan qaxootiga loo diiday sharciga Sweden kuwaasoo si qasab ah looga musaafurin doono wadanka. Dowlada ayaa ku amartay booliska in ay ugaarsadaan dadka sharciga loo diiday is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska xuduudaha Sweden ayaa dhawaan bilaabaya in ay baacsadaan oo ugaarsadaan qaxootiga loo diiday sharciga Sweden kuwaasoo si qasab ah looga musaafurin doono wadanka. Dowlada ayaa ku amartay booliska in ay ugaarsadaan dadka sharciga loo diiday isla markaana ay degdeg wadanka uga saaraan.

Booliska ayaa hadda diyaariyay ciidan gaar ah oo shaqadooda ay noqonayso in ay ku wareegaan wadanka oo ay soo qabtaan dadka dhuumaalaysanaya ee la musaafurinayo. Dadkaasi ayaa boolisku geyn doonaan goobo lagu haayo inta laga saarayo diyaaradii ay wadanka uga bixi lahaayeen.

Michael Mattson oo ah madaxa booliska xuduudaha ee Koonfurta Sweden ayaa sheegay in ay filayaan in dad badan ay ka caroon doonaan in boolisku ay ugaarsadaan qaxootiga balse tani ay hadda noqotay shaqadooda isla markaana ay fulinayaan. Waxa uu intaasi ku daray in qorshahooda uu yahay in ka hor dhamaadka sanadkaan ay soo qabtaan 15000-17000 qof oo la musaafurinayo.

Booliska ayaa qaxootiga ka ugaarsan doono goobaha ay ka shaki qabaan in ay si suuq madoow ah uga shaqeeyaan iyo goobaha caweyska ee lagu yaqaano in ay soo galootigu isugu yimaadaan.

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip