Maraakiib iyo diyaarado dagaal oo lagu arkay xeebaha Garacad

0
Sunday April 10, 2016 - 00:48:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraakiib iyo diyaarado dagaal oo lagu arkay xeebaha Garacad

    Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in saaka halkaais lagu arkay Maraakiib dagaal oo ay ka dul kacayaan Diyaarado Helicopter ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Garacad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in saaka halkaais lagu arkay Maraakiib dagaal oo ay ka dul kacayaan Diyaarado Helicopter ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Garacad.

Maraakiibtaan oo ah kuwa waaweyn ee dagaalka ayaa la sheegayaa inay leeyihiin ciidamada Badda NATO, oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Xeebta Garacad.

Maalmahan dambe waxaa soo baxay warar sheegaya in Doomo aanan la aqoonin cida wadata in lagu arkay Xeebaha Deegaanka Garacad, sidoo kalena warar soo baxay ayaa sheegaya in Shabaab dhaqdhaqaaq ka wadaan Xeebaha Gobolka Mudug.

Deegaanka Garacad waa meeshii ugu horeysay Shabaab ay ka dageen, kolkii ay gaarayeen deegaanada dhaca dhanka Xeebaha ee Gobolka Mudug.

Maamulka Deegaanka Garacad ilaa hada kama aysan hadlin Maraakiibtaan iyo diyaaradaha ka dul kacaya ee saaka algu arkay Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip