K/AFRIKA : Aabe Soomaali ah oo xaaskiisa & 3 – Gabar oo uu dhalay ku gowracay Johannesburg

0
Sunday April 10, 2016 - 00:48:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    K/AFRIKA : Aabe Soomaali ah oo xaaskiisa & 3 – Gabar oo uu dhalay ku gowracay Johannesburg

    JOHANNESBURG, Nin La Tuhunsanyahay In Uu Soomaali Yahay Oo Xaaskiisa Iyo Sadax Caruur Ah Ay U Dhashay Ku Dilay Degaanka Tsakane ee ku yaalla duleedka Magalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JOHANNESBURG, Nin La Tuhunsanyahay In Uu Soomaali Yahay Oo Xaaskiisa Iyo Sadax Caruur Ah Ay U Dhashay Ku Dilay Degaanka Tsakane ee ku yaalla duleedka Magalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday degaanka Tsakane ee duleedka Magalada Johannesburg ee dalka koonfur afrika,mid ka mid ah dadka dariska la ah qoyska ayaa hubiyay sida uu waregeeyska sheegaya oo guri ay qoys soomaali ah daganayeen ka dib gudaha ayuu u galay waxaana uu arkay dhiig waxaana goobta yaalay maydka hooyada iyo saddex carruur ah oo dhuunta laga gooyay

Wargeeyska daily sun oo dhacdadan qoray ayaa wuxuu leeyahay waxaa la tuhunsan yahay in Aaba oo Soomaali ah uu dilka u geeystay qoyskiisa waxaana xaaskiisa da’deeda aheyd (32) caruurta da’doodana ay u dhaxeeysay Sagaal bilood iyo 12 sano jir waxaana falkan uu dhacay habeenka Isniinta ee lasoo dhaafay.

Warbixinta, ayaa sidoo kale intaa ku dartay in dilka markii uu geeystay ka dibna uu isaga baxsaday goobta booliska koonfur afrika ayaan wali war kasoo saarin dhacdadan inkastoo ay sheegeen in ay baaritaan wadaan taasi oo ay ku ogaanayaan sida uu falka dilka ah u dhacay iyo waxyaabahii ka danbeeyay ee sababay in Aabahani uu gowraco qoskiisa.

Halkan Ka Aqriso QoraalkaWargayska DailySunoo Luuqadda English-ka ku qoran

http://www.dailysun.co.za/News/National/mum-and-her-kids-killed-20160408-2

Horjoogayasha Jaaliyadaha oo dhacdadan fajaca leh ka hadlay, ayaa sheegaya in ninka xaaskiisa iyo caruurtiisa laayay uu kasoo jeedo qowmiyada Oromada, balse wadanka Koonfur Afrika uu ku joogay in dhalashadiisu tahay Soomaali qaxooti ah.

Weriye C/risaaq C/laahi Maxamed (IndhaJaceyl)

Johannesburg, South Africa
[email]Daauus1@gmail.com – Indhojaceel2003@hotmail.com
Call : – +27783420920


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip