Xildhibaan Ismacil Muxyadiin oo ah mudane katirsan golaha deegaanka ee Norway ayaa kahor yimid sharci kala laabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

0
Saturday May 21, 2016 - 01:39:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ismacil Muxyadiin oo ah mudane katirsan golaha deegaanka ee Norway ayaa kahor yimid sharci kala laabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

    Ismaciil Maxamed Muxyadiin oo ah mudane Soomaaliyeed oo laga soo doortay golaha deegaanka ee Magaalada Trondheim ee dalka Norway ayaa si kulul uga hor yimid hadal heyn xoogan oo baryahaan lasoo deristay qaar kamid ah Soomaalida kunool dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaciil Maxamed Muxyadiin oo ah mudane Soomaaliyeed oo laga soo doortay golaha deegaanka ee Magaalada Trondheim ee dalka Norway ayaa si kulul uga hor yimid hadal heyn xoogan oo baryahaan lasoo deristay qaar kamid ah Soomaalida kunool dalkaasi.

Booliska dalka Norway ayaa uyeeray tiro muwaadiniin Soomaali ah hasa yeeshe siyaabo kala gedisan kujooga dalka Norway, qaar kamid ah dadka dacwada kusocoto ayaa heesta dhalashada dalka Norway halka kuwa kale ee heestaan deganaansho rasmi ah iyadoo sidoo kale ee jiraan iyagana qeybo kale oo heesto deganaanshaha kumeel gaarka ah ee dalka Norway.

Dhamaan dadkani ayaa ka siman in loo diray dignin la xiriirto in sharciga ee dalka kujoogaan dib looga celinaayo hasa yeeshe ee go’aankani ka qaadan karaa racfaan, iyadoo dacwada dadkani lagu heestana ee salka kuheeso sida ee sheegeen hay’adaha kushaqada leh arimo la xiriiro ka been sheegid dacwada ee dalkani ku yimideen isla markaana sharciga ku heleen.

Xildhibaanka oo la hadlayay warfidiyeenada Soomaaliyeed ee kusugan ee dalka Norway ayaa u xaqiijiyay inuu soo gaaray dhawaqa la xiriiro arintaani isla markaana ee xiriiro toos ah ee lasoo sameeyeen qaar kamid ah muwaadiniinta arintaan qabsatay hasa yeeshee xildhibaanka ayaa balan qaaday inuu arinkaan meel sare gaarsiin doono.

Xildhibaan Ismaaciil oo ah mudane  si fir fircoon uga dhax muuqda siyaasada dalka Norway ayaa balan qaaday inuu kiiska dacwadaani uu gaarsiin doono hay’ada ugu sareeso garsoorka dalka. Wuxuuna tibaaxay ka siyaasi Soomaalinimo inuu albaab walba uu la garaaci doono walaalaha Soomaaliyeed ee culeeska lasoo darsay.

Xildhibaanka oo hore ugu guuleestay inuu meel mariyo kiisas dhibaato xoogan ka heesatay Soomaalida Norway , sida hay’adda bad baadada caruurta, gudniinka wiilasha oo dhamaan ahaa caqabadooyin ee si joogta ah ula noolaayeen Soomaalida Norway, hasa yeeshee xildhibaanka ayaa ku guuleestay inuu xaliyo is fahamwaagi u dhaxeeyay hay’ada bad baadada caruurta iyo bulshada Soomaalida.
Hadaba kiiskaan muwaadiniinta Soomaalida lagu heesto ayaa noqday mid ee si siman ee hadal hayaan warbaahinta gudaha dalka Norway iyo tan guud ee wadamada reer galbeedka iyadoo dadkuna ee aragtidooda si iska horjeeda ee aragtidooda udhiibanayaan.

Hadaba wixi kusoo kordha arintaani kala soco wararkeena danbe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip