Ra'iisul Wasaaraha Oo Cambaareeyey Weerarka Hotel Ambassador Kana Taciyadeeyey Geerida Xildhibaanada

0
Thursday June 02, 2016 - 07:53:36 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Oo Cambaareeyey Weerarka Hotel Ambassador Kana Taciyadeeyey Geerida Xildhibaanada

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.

 


Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, waxa uuna alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.

"Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta la beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

"Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxaana farayaa hay’addaha amnigu inay sii laban laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip