Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

0
Sunday June 05, 2016 - 19:40:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray shacabka , qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad weriye Sagal Salaad Cusmaan oo maanta kooxaha nabad-diidka ay ku dileen magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray shacabka , qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad weriye Sagal Salaad Cusmaan oo maanta kooxaha nabad-diidka ay ku dileen magaalada Muqdisho.

"Innaa Lillaahi wa Inna Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba waxaan anigoo ka tiiraanyeysan ka tacsiyeynayaa geerida Sagal Cusmaan oo dhab ahaantii ahayd weriye kaalin muuqata kaga jirtey dib u dhiska iyo wacyigelinta shacabka. 

Dilkeeda waa tallaabo kale oo kooxaha nabad-diidka ay ku doonayaan inay ku niyad jebiyaan dadka u adeegaya nabadda iyo wanaagga dalkan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Weriya Sagal Salaad Cusmaan ayaa ka tirsaneyd Telefishanka iyo Raadiyaha Qaranka, iyadoo sidoo kalena ka mid ahayd dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Madaxweynaha kooxaha nabad-diidka xusuusiyey in fal kasta oo ay ku waxyeeleynayaan shacabka aan waxba galabsan, lagula xisaabtami doono, sharcigana la hor keeni doono sidii horeyba ay u sameeyeen hay’adaha amniga iyo garsoorka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii ay ka shahiiddayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

----------------DHAMMAAD-----------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip