Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxa ay ka hadleen dagaalka saakay aroortii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku leeyihiin.
AMISOM ayaa sheegtay in uu jiro dagaalkaasi oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee fadhigooda uu yahay deegaanka Halgan.
War kooban oo lagu qoray baraha ay wararkooda ku faafiyaan ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in ay xaqiijinayaan dagaalkaasi oo ciidamadooda ay si adag isaga difaaceen weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen.
AMISOM ayaa waxa ay sheegtay ciidamadooda iyo kuwa dowladda in ay iska caabiyeen Al-shabaab oo ay la dagaalameen, iyagoo intaasi ku daray in ciidankooda ay ku guda jiraan racdeysiga Shabaabkii soo weeraray.
Waxa kale oo Taliska AMISOM ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub, islamarkaana faah-faahinta la xiriirta hubka ay qabsadeen dib ay ka soo sheegi doonaan.
Al-shabaab ayaa sheegtay 43 Askari oo ciidamo Itoobiyaan ah in ay ku dileen dagaalka xoogan ee ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan.
Majirto ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya sida ay wax uga dhaceen deegaanka Halgan, laakiin dadka deegaanka ayaa ka barakacay goobta uu dagaalka ka dhacay.
Amisom Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Xero Ay Ku Lahaayeen Degaanka Halgan
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxa ay ka hadleen dagaalka saakay aroortii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku leeyihiin.