Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda u la wareegay fariisin al Shabaab ay ku layaaheen degaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.
Dagaal ayaa xalay suxuurtii ka bilaawday Degaanka Yasooman kaas u dhaxeeyay Ciidanka dowlada AMISOM iyo al shabaab oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidamadii ku dagaalamay degaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan Ciidakan xooga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay dagaal la galeen Al shabaab oo ay ka guules teen.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan
Degaanka Yasooman ayaa isku xira Deegaanada Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, ee Gobolka Hiiraan.
Ciidanka Dowlada Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Degaanka Yasooman
Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda u la wareegay fariisin al Shabaab ay ku layaaheen degaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.