Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan la Magacaabi doono Guddiyo Wada-hadal la fura Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bishaan Gudaheeda lagu dhawaaqi doono Guddiyada loo xil saari doono wadahadalada lala furaayo Maamulka Ahlusuna waljameca.
Mudane Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in Maamulka Galmudug oo mar walba diyaar u yahay qancinta iyo in wadahadal lala furo dadka kasoo horjeeda Siyaasada Maamulka.
Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo wali ku sugan qaar kamid ah deeganada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya.
Galmudug Oo Wadahadal Laga Leysa Maamulka Ahlusuna
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan la Magacaabi doono Guddiyo Wada-hadal la fura Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Maamulka Galmudug.