Madaxweynaha Soomaaliya Oo Baaq U Diray Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada Dalka Ka Jira

0
Thursday June 23, 2016 - 11:12:24 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Baaq U Diray Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada Dalka Ka Jira

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada dalka ee ka qeybgalaya Shirka Madasha Wada tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Baydhba in aysan danahooda ka eegan arimaha looga hadlaayo shirka,Muhiimaddana ay siiyaan danah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada dalka ee ka qeybgalaya Shirka Madasha Wada tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Baydhba in aysan danahooda ka eegan arimaha looga hadlaayo shirka,Muhiimaddana ay siiyaan danaha guud ee uu xambaarsanyahay shirku.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorka beesha Caalamka Soomaaliya ay ku leedahay ay tahay oo kaliya taageeridda go’aamada ay gaaraan Madaxda Soomaalida Go’aanka Dalka iyo Masiirka Ummadda Soomaaliyeed go’aaminta iyo aaya ka talintoodana aysan waxba ku lahayn Beesha Caalamka sidaa awgeedna hogaamiyayaasha Maamulada dalka looga baahanyahay in ay wax walba ka eegaan danta Ummadda Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Maanta Maalintii 2-aad uu Magaalada Baydhabo ka soconayo Shirka Madasha Wadatashiga qaran ee looga hadlaayo arimaha Doorashooyinka Dalka,waxaana shirkaan uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu dambeeya ee looga hadlaayo arimaha doorashooyinka,waxaana dhawr Mar Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya lagu qabtay shir la mid ah midkaan waloow aysan kasoo bixin Natiijo wax ku ool ah oo la taabankaro.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip