Qaraxyo Iyo Rasaas Xoogan Oo Wili Laga Maqlayo Hotelka Naasa Hablood 1

0
Saturday June 25, 2016 - 19:49:54 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Iyo Rasaas Xoogan Oo Wili Laga Maqlayo Hotelka Naasa Hablood 1

    Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar toos ah lagu qaaday Hotelka Naasa hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdsho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar toos ah lagu qaaday Hotelka Naasa hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdsho.

Qarax xoogan ayaa lagu dhuftay Albaabka hore Hotelka Naasa Hablood 1 waxaana la sheegaya intaas ka dib in ay gudaha u galeen dableey Hubeysan.

Gudaha Hotelka ayaa la sheegaya in ay ka dhacaayaan rasaas xoogan oo ay ridayan kooxihii gudaha u galay Hotelka Naasa Hablood 1

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ay burbureen goobihii ganacsiga ee ka agdhawaa hotelka .

waxaa sidoo kale gubanaysa kaalin shidaal oo la sheegay in ay ka soo horjeedo hoteelka Naaso Hablood 1.

Warar kale ayaa sheegaya in qarax labaad laga maqlay meelo ku dhow hotelka.

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxyna ku howlanyihiin soo afjarida weerarka.

Ilaa hada waxaa la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ka dhax dhaceysa gudaha hotelka.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip