Gabar norwiiji ah oo ka cabanayso qoys soomaali ah oo ku inkiray gabar uu wiilkoodu dhalay

0
Sunday July 10, 2016 - 12:12:18 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar norwiiji ah oo ka cabanayso qoys soomaali ah oo ku inkiray gabar uu wiilkoodu dhalay

    Marita Johnsen waa gabar 22 jir norwiiji ah oo degan magaalada Kristiansand ee wadankan Norwey. Waana hooyo kali ah oo haysato laba caruur ah, waxayna qoraalo ku saabsan waayaheeda nololeed kusoo daabacdaa bogeeda shaqsiga ah oo ay ku leedahay intern

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marita Johnsen waa gabar 22 jir norwiiji ah oo degan magaalada Kristiansand ee wadankan Norwey. Waana hooyo kali ah oo haysato laba caruur ah, waxayna qoraalo ku saabsan waayaheeda nololeed kusoo daabacdaa bogeeda shaqsiga ah oo ay ku leedahay internetka ee lykkeligsommamma. Marita ayaa shalay bogeeda internetka kusoo bandhigtay qoraal murugo leh oo ay kaga sheekeenayso sida mid kamid ah labadeeda gabdhood oo uu aabaheed soomaali yahay iyo qoyskiisuba ay inkiraad ugu sameeyeen gabadhan yar, oo asalkeedu soomaali yahay. Iyaga oo ku andacoonayo in gabadhan aysan ku dhalan wado sharci ah oo waafaqsan guurka islaamka.

Waxay sheegtay in maalintii ciida ay gabadheeda u qaaday meel xaflad ciid ay soomaali ku qabsanayso, si gabadheeda yar ay wax uga barato dhaqankeeda soomaalinimo iyo kan diinteeda islaamka. Balse markii ay meesha tagtay ay ogaatay in cida soo qabanqaabisay xaflada ay yihiin qoyskii gabadheeda. Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in qoyska gabadheeda ay si xun ula dhaqmeen oo aysan soo dhaweyn. Waxayna intaas ku dartay in markasta oo uu hormarayo qof katirsan qoyska gabadha uu si xun oo naceyb uu kujiro uu usoo fiiranayay.

Wax badan ayaan iswaydiin jiray sida waxa dhacay ay ku dhaceen, waxaana u maleyn jiray in ay tahay is afgaranwaa dhexdeena ah, lagana gudbi doono oo uu xaalku fiicnaan doono. Balse waxaa ii cadaatay in aysan wax kasoo fiicnaaneyn. Hadii ay wax isbadali lahaayeen, mar hore ayaa arintan xal loo heli lahaa, xaalkuna wuxuu noqon lahaa mid sidan ka duwan.

Shalay ayaan ogaaday sababta aysan xiriir ula soo sameyn gabadha ay dhaleen ama habaryarta/eedada iyo ayeeyada ay u yihiin. Inkastoo aan si uun u fahmay sababta, hadana waxay ahayd arin aad uga yaabay. Waxaana igu cuslaatay dareenkeeda, maadaama ay ii muuqatay waxa ay gabadheydu mutaysan doonto. Iyo dareenka ah in aad leedahay famili aan ku jecleyn, dareenka ah aad leedahay famili aan ku daneyn.

Aniga wixii danbi ah ee aan galay waxa uu noo dhaxeeyaa aniga iyo ilaahay, cid aan dhaawac ama xumaan u gaystana ma ay jirto. Sida ay hooyo walbe uga fakarto mustaqbalka iyo dareenka ilmaheeda, ayaa waxaa wel-wel igu hayo waxa ay mudan doonto gabadheyda yar. Marar badan ayaa isku dayay inaan is adkeeyo oo aan kasoo qaado wax aan dhicin. Mar badan ayaa raali galin ka bixiyay waxyaalo aanan u baahneyn inaan raali-galin ka bixiyo. Dhulka ayaan is dhigay oo sumcadeyda iyo sharafteyda ayaan dhinac isaga tuuray, wax walbana waan isku dayay. Maxaa ii dhiman oo aan sameeyaa, maxaan kale oo aan sameeyaa. Intee awood le eg ayaan ku isticmaalaa dad aan ka fakareyn gabadhooda yar, oo iyaga uun iska fakaray. Waxaan rabaa in aan marka ay gabadheydu waynaato aan u sheego in aan wax walbe isku dayay.

Marita oo qoraalkeeda sii wada ayaa sheegtay in ay ayadu danbiga gashay, ilaahayna ay u tukutay, wax badan ay danbi dhaaf waydiisatay. Balse aysan fahmeyn wali sababta ay qoyska gabadheeda oo wali ku mashquulsan sharaftooda yo sumcadooda aysan marnaba dib usoo eegin gabadhan yar ee aan galin wax danbi ah. (hoos ka akhriso qoraalka marita oo dhamaystiran).

Mid kamid ah akhristayaasha NorSom News ayaa markii hore noo soo gudbiyay qoraalka Marita iyo gabadheeda yar oo xalay ilaa maanta wax badan lagu hadalhayay baraha bulshada ee deegaankaas. Kadib ayaan xiriir la sameynsay Marita, si aan u xaqiijino in sheekadu ay tahay mid xaqiiq ah. Marita ayaa fasax noo siisay in aan qoraalkan taabanayo dareenka qof walbe oo akhriyaa aan u gudbino bulshada soomaaliyeed ee Norwey oo ay gabadhan yar ka dhalatay dhiig ahaan iyo dhalasho ahaanba. Waxayna noo sheegtay:

Anigu ma ihi qof dhamaystiran oo bari ah marka la eego xaaladan, aniguba qalad waan sameeyay. Laakiin lagama hadlayo qofkee ayaa qalad sameeyay iyo qofkee sax sameeyay. Waxa laga hadlayaa waa gabar yar oo aan galin wax danbi ah, una baahan xiriirka qoyskeeda muslimka ah. Waxa laga hadlayo waa in dhibaatooyinka shaqsi ahaaneed dhinac la iska dhigo, oo loo soo jeesto sidii loo sameyn lahaa waxa saxda ah ee ku haboon meesha ay hada sheekadu taagantahay.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada soomaaliyeed ee dagan Magaalada Kristiansand in ay la socdaan, kana warqabaan Marita iyo gabadheeda yar ee soomaalida ah.

Halkan ka akhri qoraalka Marita oo dhamaystiran, af Norwiijina ku qoran: lykkeligsommamma.blogg.no

Xigasho: http://norsomnews.com/2016/07/gabar-norske-ah-oo-ka-cabanayso-qoys-soomaali-ah-oo-ku-inkiray-gabar-uu-wiilkoodu-dhalay/
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip