Waxaa saakay degan Xaalada deegaanka Boodda Cad oo 40km u jirta Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Somali-land iyo Puntland.
Dad ku sugan deegaanka Boodda Cad, ayaa sheegay in xaalada ay saakay tahay mid degan islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacaya deegaanka marka laga reebo barakac ay sameenayan dadkii ku noolaa deegaanka oo ka cabsi qaba waxyeelo in ay kasoo gaarto dagaalka.
Maamulada Somali-land iyo Puntland oo dagaalka ka hadlay ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyay in uu isaga dagaalka soo qaaday islamarkaana laga guuleystay.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dagaalkii ay Puntland kula galeen deegaanka Boodda Cad oo 40km u jirta Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ay ku qabteen Xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo ka hadlay dagaalka ayaa tilmaamay In uusan jirin khasaaro sidaas u weyn oo soo gaaray ciidmada Puntland marka laga reebo afduub loo geysto xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Maamulka Puntland oo deeganka ku sugnaa.
Xaalada Deegaanadii Shay Lagu Dagaalamay Ee Gobolka Sanaag Oo Maanta Degan
Waxaa saakay degan Xaalada deegaanka Boodda Cad oo 40km u jirta Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Somali-land iyo Puntland.