Wasiirada Haweenka Puntland Oo Gaartay Magaalada Baargaal

0
Saturday July 30, 2016 - 12:40:57 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Haweenka Puntland Oo Gaartay Magaalada Baargaal

    wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin iyo wafdi ay hogaaminayso oo ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee fedraalka iyo arimaha gudaha dawlada Soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax iyo aqoonyahan macalin jaamac a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin iyo wafdi ay hogaaminayso oo ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee fedraalka iyo arimaha gudaha dawlada Soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax iyo aqoonyahan macalin jaamac ayaa gaaray Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga wasiir anisa oo booqoshadii labaad ku maraysa Deegaanada
Gobolka Gardafuu ayaa waxaa halkaaas si wayn ugu soo dhaweeyay
masuuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu horkacayay
Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf, masuuliyiin ka
socotay gobolka Gardafuu , haween isugu jira hooyooyin iyo dhalinyaro
iyo caruur badan oo uga hortagay wasiirada iyo wafdigeeda meel ka
baxsan magaalada ayagoo ruxaya Caleemo qoyan

wafdiga ay hogaaminayso wasiir Anisa oo ka soo kicitimay Magaalada
Garowe ee caasimada Puntland ayaa soo dhawayn iyo marxabayn la qaatay
haweenkii iyo caruurtii halkaasi ku soo dhaweeyay iyadoo wasiiradu mid
mid u gacan qaaday dhamaan dadkii safka u galay soo dhawaynta wafdiga
wasiirada.

wasiir anisa iyo wafdigeeda ayaa intay magaalada Baargaal soo gaarin
waxay soo mareen magaalada Taageer halkaasi oo ay wafdigu shirar iyo
iswaraysi kula yeesheen hooyooyionka iyo ururdada deegaanka oo ay
wasaarada haweenku u kuurgalaysay.

intaasi kadib waxay wasiir anisa iyo wafdigeedu shir ku qabteen
magaalada waadi khayr halkaasi oo ay wasiiradu ugu khadbaysay
bulshadii halkaasi ku soo dhawaysay ayadoo kala hadashay ujeedooyinka
safarkooda

wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska puntland iyo wafdigeeda oo
kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada baargaal ayaa
intaas kadib u gudbi doona magaalada Madaxda Gobolka Gardafuu ee
Caluula halkaas oo ay wasiiradu uga qaybgli doonto munaasabad
ballaaran oo lagu 1 august oo lagu xusaayo sanad Guurada 18-aad ee ka
soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen
sidii maamul u dhisan lahaayeen miraheediina ay guranayaan Maanta.,.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip