Shir Madaxeedka 6-aad Ee Waddamada Afrika Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Nairobi + Sawirro

0
Saturday August 27, 2016 - 15:27:10 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka 6-aad Ee Waddamada Afrika Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Nairobi + Sawirro

    Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa goordhow ka Furmi doona Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development) iyadoo Soomaaliya ay shirkaan ka qeyb gali doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa goordhow ka Furmi doona Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development) iyadoo Soomaaliya ay shirkaan ka qeyb gali doonto.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isna shirka ka qeyb galaya.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip