Ciidanka Nabad Sugida Dowlada Oo Howlgal ka Sameeyay Degmada Dharkenley Ee Gobolka Banaadir

0
Monday August 29, 2016 - 15:17:23 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Nabad Sugida Dowlada Oo Howlgal ka Sameeyay Degmada Dharkenley Ee Gobolka Banaadir

    Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya oo howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay xalay ka sameeyay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo Shabaab lala xiriirinaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya oo howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay xalay ka sameeyay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo Shabaab lala xiriirinaayo.

Labadan ruux ayeey ciidamada ammaanka waxa ay ka qabteen Xaafada Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkenley, kadib markii ciidamada ay si aad ah ugu tuhmeen raggaan inay Shabaab yihiin.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay baaritaano inay ku socdaan labada ruux ee ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.

"Ciidamada ammaanka ayaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ka soo qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, gacanta ciidanka ayey kujiraan walina baaritaano ayaa socda.”ayuu yiri Afhayeenka.

Howlgalka raggaan lagu soo qabtay ayaa xalay laga sameeyay, Xaafadaha Degmada Dharkenley gaar ahaan Xaafadaha Suuq yaraha, Xaafada Salaam, nawaaxiga Masaajidka Bilaal ilaa Xaafada Nuur Aduunyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip