Duqeyn Xoogan Oo Xalay Ka Dhacday Degaanka Tooratoorow

0
Monday September 05, 2016 - 13:51:15 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn Xoogan Oo Xalay Ka Dhacday Degaanka Tooratoorow

    Ciidamada Mareykanka ayaa Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Toora toorow, waxa ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo isugu jiray Duqeyn iyo weerar fool ka fool ah, howlgalkaasi oo dhacay xalay saqdii dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka ayaa Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Toora toorow, waxa ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo isugu jiray Duqeyn iyo weerar fool ka fool ah, howlgalkaasi oo dhacay xalay saqdii dhexe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan Diyaaradaha dagaalka Dowladda Mareykanka ayaa Duqeyn ku garaacay fariisimo ciidamada Shabaabka ay ku leeyihiin deegaanka Toora toorow, waxaana xigay weerar fool ka fool ah oo ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Shabaabka.

Xalay Saqdii dhexe ayaa Diyaaradaha ay Duqeynta ku garaaceen fariisimada Shabaabka ee Toora toorow, iyadoo ciidamada dhanka lugta ku socday ay weerar toos ah ku qaadeen Shabaabka, sida Saraakiil ay xaqiijiyeen.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi tooska ah iyo Duqeynta Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen Deegaankaan oo Saldhig muhiim ah ay ku leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay sheegeen weerarkaasi in lagu beegsaday Saldhig Shabaabka ay ku leeyihiin deegaanka.

Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa laga baahiyay in ciidamada Shabaabka ay iska caabiyeen weerar dhanka cirka iyo Dhulka ah oo kaga yimid ciidamada Mareykanka ee Somaliya ku sugan.

Weerarkaan iyo Duqeynta oo dhacay Xalay 2:00 Habeenimo ayaa daryanka Madaafiicda Duqeynta waxaa laga maqlaayay deegaano ka baxsan Deegaanka Toora toorow ee Gobolkaasi.

Horay Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa howlgalo qorsheysan waxa ay uga fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo ay ku beegsadeen Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip