Dowladda Sweden oo soo rogtay nimdaam lugu ogaanayo da'da magangalyo doonka

0
Saturday September 10, 2016 - 01:22:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sweden oo soo rogtay nimdaam lugu ogaanayo da'da magangalyo doonka

    Uhuro Kenyata waxuu u balan qaaday 200 malyan $ kooxda C/weli Sh.Axmed. iyo Badiyow hogaanka u haya si eey u keenaan isbedel hogaanka Somaliya,waxeey Cumar C/rashid ku balameen in uu noqon doono r/wasaare si howshii dacawada bada Somaliya ee hada taa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuro Kenyata waxuu u balan qaaday 200 malyan $ kooxda C/weli Sh.Axmed. iyo Badiyow hogaanka u haya si eey u keenaan isbedel hogaanka Somaliya,waxeey Cumar C/rashid ku balameen in uu noqon doono r/wasaare si howshii dacawada bada Somaliya ee hada taal HAAG dib loogu soo Celiyo. Lacgata 200 malyan ee $ waxeey ka imaaneeysaa canshuurta Jaadka la geeyo Somaliya,waxaa god dheer ku dhacay kuwa daba ordaaya Yuulka iyo Badiyow. Ali Amerika,Salaad Cali Jeele,Tarzan in Goodax Bare

Waaxda daawynta sharciga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano RMV, ayaa soo saartay nidaam lugu ogaanayo da’da sax ah magangalyo doonka keli socodka ah ee da’da yar.

Nidaamkan cusub oo ka kooban labbo nooc ayaa kala ah in baaritaan lugu sameeyo ilkaha (ilkaha qaar) iyo jilibka( kala goyskajilibka). Warsaxaafadeed maanta oo jimca ah ay soo saartay hey’adaasi ayaa ku soo bandhigtay labadaas nidaam oo lugu baarayo da’da saxda dhalaanka keli socdka ah ee dalkaan Iswiidhan magangalyada weydiista.

Ma ahan oo keliya baarista lugu sameeynayo ilkaha iyo jilbaha ee waxaa sidoo kale raajo la saari doona xagga hoose ee lugta cajirka ku dhamaado, taasoo kolkiihore lugu sameyn jiray da’da u dhaxeeysa 22 ilaa 28 jir.

Baaritaaniddii daaweynta sharciga ah ee horey laanta socdaalka u sameyn jirtay ayaa inta badan la ogaan jiray ineey yihiin kuwo biseylka qaargaanimadda. Dhaaln keli socod ah oo tiradooda gaareyso 800 ayaa baaritaankaan lugu sameeyey lugu ogaaday in sedex meelood meel in da’doodu ka weyneyd 18 jir.

 

Iswiidhan oo keliya ayaa baareysa kala goyska jilibka

Waayo aragnimo laga dhexlay baaritaano horey loo sameeyey,ayaa muujin jirtay in kala goyska jilibka aan sax ah u muuqan jirin, mana jirin wadan tijaabadaas ama baaritaankaas lugu soo sameeyey. Sababtaas ayey waaxda sharciga daaweynta u dooneeysa in ilkaha iyo kala goysyadda jilibaha lugu sameeyo baaritaan muuqda. Sawir kasta oo laga qaado ilkaha iyo jilbahana waxaa qiimeyn ku sameyn doona labbo qabiir uu soo gudbinaya aragtidooda ku aadan.

Shaki laga qabo boqolkiiba toddobaatan

Iswiidhan waxaa ay horey u qaabishay dhalaan keli socod ah oo ka badan inta dalalka kale ee Yurub qaabileen, dhalaankaan oo aan heeysan cadeeymo la xirriira da’dooda ayaa laanta socdaalka waxaa qasab ku ahaan jirtay iney diiwaan geliso da’da ay sheegtaan. Taasina waxaa ay abuurtay qeylo dhaan ka soo yeertay gobolada iyo degmooyinka carruurahan la dejiyey, kuwaas oo sheegay in dad waa weyn loo keenay, lagana diiwaan geliyey xarrumaha caafimaadka ee carruuraha, islamarkaasina lala fariisiyey fasaladda carruuraha iyaga oo aan aheyn carruuro.

Raad raac: Dhalaan keli socda ah ee da’da yar

  • Sanadkii ina dhaafay waxaa Iswiidhan soo galay dhalaan keli socod ah oo gaaray 35.000, sgaal ka mid ahina ay wiilal ahaayeen. Sanadkan waxaa ay hoos uga dhacday tiradaasi 1 700. Laanta socdaalkana waxaa ay diiwaan gelin jirtay da’da ay sheegtaan dhalaankaasi oo ay u arkayeen ineey tahay macquul, hase ahaatee baaritaanka xagga da’daoodib ka sameyn jirtay marka la guda galo codsigooda magangalyo doon.
  • Shaqsiga da’diisa ka yar yahay 18 sanno wuxuu helayaa kaalmo aan ku koobeyn hoy iyo cuno.
  • Qasabna looma celin karo sida qofka weyn qasab loogu celin karo halkii uu ka yimid.
  • Bishii meey ee sanadkan ayey dowladda waxaa ay amar ku siisay hey’ada sharciga daaweynta iney sameeyso howlgal baaritaano lugu sameeynayo qiimeyta da’da. Waxaana la rajeynaya in qalabka baaritaanada qeybteeda ugu weyn la keeni doono dhawaan.
  • Bishii diseember ee sanadkii hore ayey maxkamadda sare, waxaa ay sheegtay in raajo la saaroilkaha ay yihiin hab sax ah oo lugu qiimeyn karo da’da haddii ay timaado fal dembiyeed.

Xigasho: Shaxda raad raaxa laanta socdaalka.



 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip