Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ka Baxeysa Duqeeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

0
Monday September 26, 2016 - 15:22:23 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ka Baxeysa Duqeeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

    Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn geystay khasaare kala duwan xalay diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn geystay khasaare kala duwan xalay diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Gaanjo-roon oo dhowr Mitir u jira deegaanka Beerxaani ayaa la sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay Saqdii dhexe ka geysteen duqeyn xoogan oo dadka deegaanka cabsi weyn ku abuurtay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in halkaasi lagu bartilmaameedsaday xubno Shabaab ka tirsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyn ay barbar socdeen weerar ay qaadeen ciidamo Ajaanib oo diyaaradaha duqeynta waday kasoo daatay.

Maamulka Jubbaland Wali Faahfaahin kama bixin duqeynta xalay ka dhacday gobolka Jubbada Hoose.

Sida oo kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in duqeynta ay ku waxyeeloobeen Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanka Gaanjo-roon.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip