Taliska sare ee sirdoonka Qaranka oo shaqada ka ceeriyay 1500 oo ciidan ah

0
Sunday October 02, 2016 - 22:40:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska sare ee sirdoonka Qaranka oo shaqada ka ceeriyay 1500 oo ciidan ah

    Sababta Ciidamada ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya looga Eryay Shaqada Ciidanka ayaa Wargeysku ku sheegay in ay tahay Dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya si loo dardar galiyo Dagaalka Ciidamada Ammaanka ay kula jiraan Dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta Ciidamada ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya looga Eryay Shaqada Ciidanka ayaa Wargeysku ku sheegay in ay tahay Dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya si loo dardar galiyo Dagaalka Ciidamada Ammaanka ay kula jiraan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Wadanka Kenya ayaa Maanta Baahiyay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay Shaqada ka Ceyrisay 1,500{Kun iyo Shan Boqol} oo Askari oo ka tirsanaa Hay’adda NISA.

Wariye Jeef Muwuura oo Warbixintaan ku Qoray Wargeyska eastafrica ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu la Xariiray Saraakiil ka tirsan NISA oo uu ka helay Xogta ah in Shaqada laga Ruqseeyay 1,500 oo Askari.

Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Gen C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo ay la Xariirtay Shabakadda Wararka Kulmiye ayaa Warkaasi ku tilmaamay Been aan Sal iyo raad midna laheyn islamarkaana aysan jirin Ciidamo ka tirsan NISA oo Shaqada laga Eryay.
Shalay ayey aheyd markii Xilka laga qaaday Taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda Ee Gobolka Banaadir C/xakiin Fareey,kaas oo lagu badalay Col. Maxamed Xasan Faarax{Faranfar.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip