SHIRQOOLKII LAGU DILAY MU'AMMAR QADAAFI IYO BEENTII LOOGU MARMARSIIYOODAY WEERARKII LAGU QAADAY DALKA LIIBYA.

0
Wednesday October 12, 2016 - 00:30:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3969
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRQOOLKII LAGU DILAY MU'AMMAR QADAAFI IYO BEENTII LOOGU MARMARSIIYOODAY WEERARKII LAGU QAADAY DALKA LIIBYA.

    Q-1-AAD. . Walaalayaasha iyo Saaxibada aan jeclahayow maanta waxaan idiinla qeybsan doonaa haddi Allah oggolaado Qormadan oo aad runtii xog muhiim ah ka heli doontaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q-1-AAD. . Walaalayaasha iyo Saaxibada aan jeclahayow maanta waxaan idiinla qeybsan doonaa haddi Allah oggolaado Qormadan oo aad runtii xog muhiim ah ka heli doontaan.


14kii Aprill ee 2011kii ayaa warbaahin lagu magacaabo PAMBAZUKA NEWS ay daabacday maqaal uu qoraha cinwaan uga dhigay Beentii ka danbeysay Weerarkii reer galbeedka ay ku qaadeen Dalka Liibiya,wuxuuna qoraaga si qota dheer uu uga waramay, sababtii loo weeraray Liibiya iyo Qorshihii ku dhex qarsoonaa ee looga taqalusaayay Hoggaamiyaha liibiya Muammar Qadaafi, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay.

Sanadkii 2011kii ayay reer Galbeedka buunbuuniyeen wax loogu yeeray Gu'gii Carabta (Arab Spring) si xukun badal loogu sameeyo dalal dhowr ah oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Tuunis,Masar,liibiya iyo Siiriya iyadoo lala kaashaday dalal Carbeed oo ay Qadar hormuud ka aheyd, gaar ahaan telefishinka Al-jazeera oo door weyn ku lahaa kicinta shucuubt Carbeed.

waxaa lagu bilabay Kacdoonkii Tuunis,kadibna wuxuu usoo gudby Masar iyo Liibiya,Hadaba su'aasha muhiimka in aan isweydiinaa waxay tahay Waa maxay sababta Liibiya loogu duulay,maxaase ay reer galbeedku u go'aansadeen iney badalaan Xukuumaddii liibiya islamarkaana ay ka taqalusaan Hogaamiyihii dalkaasi ee Muammar Qadaafi? Si hadaba aan su'aashaasi jawaab ugu helno aan dib ugu noqono qorshayaashii uu doonaayay in Qadaafi ka hirgaliyo Qaaradda Afrika iyo Aragtidisii ku wajahneyd in Qaaradda Afrika la mideeyo islamarkaana ay ka xorowdo dunida reer galbeedka.

Hoggaamiye Qadaafi wuxuu waday oo uu si weyn ugu howlanaa inuu Qaaradda afrika u iibiyo Dayaxgameed Isgaarsiineed Telecommunication settelite, oo guud ahaan Qaaradda afrika adeegsato. Bishii Disember 26 keedii 2007 dii wuxuu Qadaafi dhigay Banigiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) lacag hormaris ah oo gaareysa ilaa 50 milyan oo dollar oo bilow ka ah Qiimaha uu joogo Orbit-ka iyadoo Bangiga lagu magacaabo West Africa Development Bank uu lacagtaasi ku biiriyay 27 milyan oo dollar,waxaase lacagtii dhimaney bixiyay Qadaafi oo kaash ahaan u bixiyay 300 oo milyan oo dollar si loo dhameystiro mashruucaasi Isagaarsiineed. mashruucaasi waxaa loogu talagalay inuu isku xiro guud ahaan Isgaarsiinta Qaaradda afrika sida Isgaarsiinta Telefoonadda,Telefishinada,Raadiyayaasha iyo nuuc kasto oo la xiriirta Isgaarsiinta Teknoloojiyda casriga ah.

Mashruucan oo ay muddo 14 sano ah ka cagajiideysay iney ka qeybqaadato hayadda lacagta addunka ee IMF iyo Bangiga Addunka ayaa ugu danbeyntii waxaa dhameystiray Hoggaamiyaha Liibiya Muammar Qadaafi oo bixiyay 500 oo milyan si mashruucaasi loo hirgaliyo, hadduu hirgalo mashruucaasi isgaarsiineed wuxuu meesha ka saari lahaa shirikadaha Isgaarsiinta ee dalalka reer galbeedka oo BALAAYIIN Kun oo dollar ka faa'iida Qaaradda Afrika deyn ahaan iyo faa'iidaba (loan and interest).

Hogaamiye Muammar Qadaafi wuxuu isla waqtigaasi qorsheynaayay inuu dhidibadda u taago Bangi ay qaaradda afrika yeelato kaasoo Raasumaalkiisa amo hantida saldhiga u noqneysa uu ka dhigay Dahab si dalalka Qaaradda Afrika looga xoreeyo isticmaarka iyo canaadka siyaasadeysan ee baniga Addunka iyo IMF ay ku bixiyaan Deymaha la siiyo dalalka soo koraayo.,gaar ahaan kuwa qaaradda afrika.,si dalalka Afrika ugu tilaabsadaan isku filnaasho dhaqaale.

Hoggaamiye Mu'ammar Qadaafi oo ay dalalka reer galbeedka ku eedeeyan inuu taageeero Argagaxisada caalamiga ah ayaa sanadkii 2003dii isku dayay inuu isku dayay inuu badalo fikirkasi uuna kasbado sumcad iyo inuusan mustaqbalka taageereyn Argagaxisada wuxuuna baa'biyay Hubkii Niyukalerka ee uu haystay taasoo xoogaa soo dhaweyn ah ay u muujiyeen dalalka reer galbeedka.

Qadaafi wuxuu u qoondeeyay lacag magdhaw ah inuu siiyo dadkii ku naf waayay labadii dayuuradood ee Mareykanka lahaa ee PAN AM flight 103 iyo UTA flight 772 oo labadaba lagu soo riday fal argagixiso wuxuu bixiyay lacag aad u fara badan oo mag ahaan loo siiyay eheladii dadkii saarnaa iyo magdhaw looga qaaday dayuuradihii iyo qarashaad kale.

Bishii Disember 10keedii 2007 Muammar Qadaafi wuxuu booqasho saaxibtinimo ugu kicitimay dalka Faransiiska si uu kulan ula qaato Madaxweynihii xilligaasi Nicolas Sarkozy. Qadafi iyo Sarkozy waxay 11 kii Disember waa maalin kadibe ay heshiis qiimihiisu dhan yahay 15 bilyan oo dollar ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye,kasoo Liibiya ay Faransiiska kaga iibsaneyso hubka culus iyo dhismo xarun laga dhaliyo Niyukaleerka. Wadahadalka iyo Ajanadaha kulanka labada hoggaamiye intaasi kuma ekeyn waxaana xog-hoose sheegtay in qoddobo kale oo sir ahaa iney ka wada hadleen Qadaafi iyo Sarkozy. Bishii Marso 12kedii sanadkii 2012kii ayay koox qubara ah oo wax ku qora wargeyska lagu magacaabo Consortium Mediapart caddeeyeen oo daabeceen in xog lagu kalsoonaan karo oo ay ka soo xigteen Qubaro qaabilsan Argagaxisada iyo cida maalgalisa ay sheegeen in Madaxweyne Nicolas Sarkozy uu ka helay lacag dhan 50 milyan oo dollar oo u kalmeysto doorashada Dalkaasi ka dhaceysay 2007dii..

Walaalayaal,saaxibayaal maanta intaas ayaan ku soo hakinaa,waxaad filataan qormooyinka kale oo arrinta noo sii ifin doono haddi rabi yiraa,Fadalan Like saar ra'yigiinana ka dhiibta, share greeya si dadkeena aan waqtigan u helin ay u helaan.
==========LA SOCO Q, AAD =========

W/Q. #Amb #Diinaari
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip