Magaalada Cadaado ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug wali waxaa ka socota Doorashada Xubnaha kamid noqonaya Aqalka sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya Galmudug.
Gen Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Madaxweynihii hore maamulka Galmudug kana mid ah Siyasaiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa loo doortay in uu kamid noqdo Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Qeybdiid ayaa helay inta badan codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxa uuna ka guuleestay Cabdi Qeybdiid Musharaxii kale ee la tarmayay oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil (Calool-geel) , waxa ayna kasoo jeedaan labada Beesha Habar Gidir – Sacad.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer) ayaa isna ku guuleestay in uu kamid noqdo Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya Galmudug, waxa uuna helay codad gaaraya 52 cod halka Luul Maxamed Sheekh Cusmaan ay iyana heshay Codad gaaraya 35 cod.
Doorashada Xubnaha Aqalka Sare U Matalaya Maamulka Galmudug Oo Ka Socoto Magaalada Cadaado
Magaalada Cadaado ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug wali waxaa ka socota Doorashada Xubnaha kamid noqonaya Aqalka sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya Galmudug.