Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Hirshabeelle

0
Friday October 21, 2016 - 07:58:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Hirshabeelle

    Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay sida guusha leh ee lagusoo gunaanaday geedi-soco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay sida guusha leh ee lagusoo gunaanaday geedi-socodkii maamul u samaynta Maamulka HirShabelle ee dhowaan la unkay, waxayna u hambalyeeyeen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Kuxigeen Cali Cabdullaahi Xuseen oo iyagu qaaday mas'uuliyaddaas culus.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay qireen dadaallada ay Dowladda Federaalka ah ku horumarinayso geedi-socodka maamul samaynta, waxaa kale oo ay qireen dowrka muhiimka ah ee hawl-fududaynta ah ee IGAD ka cayaartay geedi-socodkan.

Saaxiibada caalamku waxay maamulka HirShabelle ku dhiirri-geliyeen inay la hadlaan kooxihii aan ka-qaybqaadanin geedi-socodka maamul samaynta, lana xaqiijiyo ilaalinta masaalixda dhamaan beelaha [deegaanka]. 

Tani waa in lagu xisaabtamaa marka laga qaybqaadanayo geedi-socodka doorashada oo si loo wada dhanyahay loo helo metelaadda labada aqal. 

Dib u heshiisiin laga hirgeliyo dhamaan deegaanada HirShabelle ayaa muhiim u ah marxaladda hadda lagu jiro.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorriyeen madaxda cusub ee HirShabelle inay hadda diiradda saaraan geedi-socodka doorasho ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. 

Maamulka cusub wuxuu haystaa fursad uu ku muujiyo hogaamin isagoo u hogaansamaya xeerarka iyo habraacyada ay isla meel dhigeen madaxda Madasha Hogaanka Qaran. 

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda Maamulka inay xaqiijiyaan in ugu yaraan 30% kuraasta loo qoondeeyay HirShabelle ee labada aqal, Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka loo qoondeeyo oo loo daayo haweenka.

Saaxiibada caalamu waxay maamulka cusub ugu baaqeen inuu dadaal kasta ku bixiyo sidi geedi-socodka ay ugasoo bixi lahayd magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

"Soo dhawoow HirShabelle” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. 

"Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto maamulka cusub oo isagu ku hawlan ajenda u samaynta muwaadiniintiisa iyo horumarinta hay’adaha dowladeed si uu wax uga qabto baahida muwaadiniintiisa”.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip