Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caawa Xaalada Magaalada Gaalkacyo

0
Saturday October 22, 2016 - 22:23:58 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caawa Xaalada Magaalada Gaalkacyo

    Xaaladda galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa caawa degan kadib markii galabta ay mar kale kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug oo waayahaan ku dagaalamayay halkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa caawa degan kadib markii galabta ay mar kale kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug oo waayahaan ku dagaalamayay halkaas.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadii kala duwan,daryanka rasaas fudfudud iyo madaafiicda xoogan ayaa laga maqlayay galabta oo idil Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug.

Dagaaladaan oo daba socda dagaalo soo laalaabtay oo maalmahanba labada dhinac ku dhexmarayay galbeedka Magaaladaas ayaa ku soo beegmay xili shacabkii ku noolaa magaalada intooda badan ay ka barakaceen magaalada.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab kooban oo ku sugan Magaaladaas.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in uu burburay wada-hadalkii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug taasi ay keentay in dagaalka uu mar kale dib kaga qarxo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip